28.9 C
Mogadishu
Sunday, January 4, 2026

Maxaa ka jira in Dekedda Muqdisho laga soo dajiyay alaab halis ah?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –  Maareeyaha dekedda Muqdisho, Maxamed Cali Ameeriko oo maanta ka hadlay munaasabad ka dhacday dekedda oo uu xilka ku wareegay taliye cusub oo loo magacaayay saldhigga dekedda ayaa ka hadlay warar la xiriira in dekadda laga soo dajiyay waxyaabo maankadooriya, xilli taliyihii hore Gaashaanle Sare Axmed-khadar Maxamed Xasan la sheegay inuu isku casilay arrintaas darteed.

Ameeriko ayaa beeniyay in konteenar daroogo ah laga soo dajiyay dekedda la fasaxay, isaga oo tilmaamay in wararkaas ay yihiin kuwa been abuur ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wada shaqeyn toos ah ay leeyihiin hay’adaha amniga, gaar ahaan Booliska, ayna sii laa jibaari doonaan dadaalkooda.

“Waxaan cadeyneynaa in dekadda Muqdisho aysan kasoo bixin hal konteenar oo darooga ah Ciidanka Booliska iyo aniga waan wada-shaqeynaa” ayuu yiri Ameeriko.

Waxaa kale oo uu intaas kusii daray “Indhaheenna ayaa furan dadweynaha ayaan u wada dhaaranay inaan ka celino waxybaaha maandooriyeyaasha iyo waxyaalaha kale ee sharci darrada ah Ilaahey ayaa na cadaabaayo annaga oo arkeenno waxyaalo ma taqaanaa dhacay inaan u gudbino ilmaheenna”.

Maareeyaha dekadda ayaa sidoo kale uga digay ganacsatada inay soo dajiyaan badeeco sharci darro ah, ama maandooriye ah, isaga oo ku goodiyay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo ku xadgudubta sharciga.

“Ganacsatada waxaan uga digeynaa inay ka digtoonaadaan gacan bir ah ayaa lagu qabanayaa cidii lagu arko daroogo ama alaab sharci darro ah” ayuu mar kale yiri Maxamed Cali Ameeriko.

Hoos ka daawo muuqaalka:-

- Advertisement -

Read more

Local News