25.5 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Maxaa ka jira in DF ay dhaqaale siineyso qoysaska ay musiibadu saameysay?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdsiho(Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Xafiiska Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia ayaa sheegaya in dowladu ay qoondo gaara siineyso qoysaska tabaaleysan ee dadkooda ku waayay musaabadii ka dhacday Isgoyska Soope ee magaalada Muqdisho.

Qorshahan oo ka socda Xafiiska Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa lagu garab istaagayaa dadka duruufeysan ee carruurtooda ku waayay musiibada isla markaana aan heysan lacagaha aaska.

Qoysaska qaar ayaa la imaaday qorshahaani xili Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ay ku guda jireen booqashadooda Isbitaalada ay jiifaan bukaanada.

Waxa ay labada mas’uul ka dalbadeen in garab lagu siiyo Aaska carruurtooda iyo daweynta bukaanada, iyagoo ku cudur daaranaaya inaanu heysan dhaqaale ay ku samata bixiyaan dhibta heysata.

Qoysaska qaar ayaa waxaa Qaraxa uga dhintay carruur walaalo ahaa, halka qaarna ay ku waayen Aabe iyo Hooyo.

Qoysaska ay musiibadu u hoyatay ayaa waxaa kamid ahaa qoys Qaraxa ku waayay Afar wiil oo wada dhashay kuwaa oo kawada shaqeynaayay hal goob.

Dowlada Somalia ayaa qaadeysa talaabo aysan horay u qaadan taa oo lagu garabsiinaayo qoysaska liita oo ay saameysay musaabada.

Guud ahaan dadkii Qaraxa ku dhintay ayaa la sheegay inay yihiin 237 qof oo ay ku jiraan Hooyooyin, Carruur iyo dad da’ ah, halka dadka dhaawaca qaba la sheegay inay ka badan yihiin 374 qof.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News