Maxaa ka jira in makiinad uu leeyahay Gaas lagu daabaco lacag been abuur ah?

Garoowe (Caasimada Online) – Burhaan Aadan Cabdi oo ka mid ah golaha wakiilada Maamulka Puntland oo warbaahinta deeganada maamulkaas la hadlay ayaa ku eedeeyay madaxda Maamulkaas in ay ka dambeeyaan sicir bararka ka jira Puntland.

Waxaa uu sheegay lacago cusub oo ka imaanaya waqooyiga Soomaaliya(Somaliland) , koonfurta Soomaaliya iyo makiinadda lacagta daabacda inay qayb ka tahay sicir bararka ka jira deegaanada Maamulka Puntland .

Waxaa uu sheegay ka hor inta uu madaxwaynaha Puntland daabicin lacagta cusub doolarka inuu ahaa halkii doolar labaatan kun oo shilin Soomaali ah , hadana uu gaaray 30-kun oo shilin Soomaali ah.

Sidoo kale  Xildhibaan Burhaan Aadan Cabdi ayaa sheegay makiinadda lacagta daabacda inay share ku yihiin ama wadaagaan madaxwaynaha iyo guddoomiye kuxigeenka baarlamaanka Puntland Cabdixamiid.

“Lacag faaliso baa la sameeyey , doolarkii baa cirka galay 20 iyo 22 buu marayay , dadka reer miyiga iyo kuwa hooseba waa noolaayeenmaalinbaa makiinad la keenay oo faalso ah , kadibna Muqdisho iyo Waqooyiga waa kasoo gashay , dhibaato baa dhacday oo sicir barar ah,waxaa ka dambeeya dadka been abuurka sameeyay , madaxwaynaha iyo guddoonka baarlamaanka ayaa masuul ka ah oo share ka ah”, ayuu yiri xildhibaan Burhaan.

Ganacsiga magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso ayaa maanta hakad ku jiray iyadoo qaybo badan oo ka mid ah magaalooyinkaasi maanta aan la qaadan lacagihii duugga ahaa ee horay looga soo diiday koonfurta Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com