Maxaa ka jira in taliye Faysal Bootaan lagala baxay xabsi ku yaalla Laascaanood?

Laascaanood (Caasimada Online) – Taliyihii guutada 12-aad ee ciidamada Somaliland u qaabilsanaa gobolka Sool, Faysal Cabdi Bootaan ayaa beeniyay warar lagu baahiyay baraha bulshada, kuwaasi oo sheegayay in lagala baxay xabsigii uu ku xirnaa.

Taliye Faysal Bootaan oo Jimcihii u gacan galay ciidamada SSC-Khaatumo ayaa kamid ahaa maxaabiis badan oo ciidamada Somaliland ah, kadib markii lagu jabiyay dagaalka, kuwaasi oo loo kaxeeyay dhanka magaalada Laascaanood.

Waxa uu meesha ka saaray in halis ku sugan tahay naftiisa, islamarkaana uu yahay maxbuus ku sharfan magaalada Laascaanood, isaga oo wararkaasi ku tilmaamay kuwo been abuur ah.

“Xaaladeyda waa wanaagsan tahay, waxaana la jooga maxaabiistii laga qabtay Somaliland,” ayuu yiri Faysal Bootaan oo sheegay in aan loo geysan wax xad-gudub ah.

Waxa uu intaas kusii daray “Baro-bagaandooyinka la’leeyahay ninkaas waa lala baxayaa iyo ciidan baa lala baxayaa, waxaas waxba kama jiraan. Anigu goob ammaan baan joogaa, dadkii oo dhan baa ii shaqeynaya.”

Sidoo kale waxa uu sheegay inuu la kulmay guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif iyo odayaal kale oo kamid hoggaanka maamulka SSC-Khaatumo.

Hadalka Bootaan ayaa imanaya ka gadaal markii baraha bulshada lagu baahiyay in ciidan gadoodsan oo ku sugan Laascaanood ay qafaasheen qaar kamid ah askartii Somaliland laga qabtay oo uu ku jiro Faysal Bootaan.

SSC-Khaatumo ayaa weli muujinaysa in maxaabiista dagaal ee usoo galay ay ula dhaqmeyso si wanaagsan, iyada oo sheegtay inay ilaalineyso xuquuqda aas-aasiga ah, inkasta oo Somaliland ay ku dhawaaqday aargoosi, kadib jabkii kasoo gaaray dagaalkii Jimcihii.