25.5 C
Mogadishu
Saturday, January 3, 2026

Maxaa ka jira in Turkiga uu DF ku wareejiyay diyaaradaha dagaalka ee T129 ATAK?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa markii ugu horreysay ka hadashay diyaaradaha dagaalka ee T129 ATAK oo lagu arkay Muqdisho, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in lagu wareejiyay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Difaaca Turkiga oo bayaan soo saartay ayaa beenisay in diyaaradahaas ay ku wareejisay dowladda Soomaaliya, iyada oo meesha ka saartay wararka la baahiyay.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in diyaaradihii dhawaan lagu arkay xafladdii lagu qabtay xarunta safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho ay ahaayeen kuwa ay leeyihiin ciidamada Turkiga ee jooga gudaha Soomaaliya, loona adeegsado howlahooda gaarka ah.

Sidoo kale, ilo dhanka amniga ah ayaa shaaca ka qaaday in dyaaradahan kuwa casri ah ay adeegsadaan ciidamada Turkiga, balse aanay kamid ahayn hantida ciidamada qalabka sida.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen in diyaaradaha la arkay ee T129 ATAK iyo gaadiid dhawaan la keenay ay leedahay xerada TurkSom oo lagu tababaro ciidanka Xoogga dalka.

Turkiga ayaa horay qalab milatari u siiyay dowladda Soomaaliya, oo ay ku jiraam diyaarado yar yar oo nooca dagaalka ah iyo gaadiid casri ah.

Waxaa sidoo kale uu toos uga qayb-qaataa howlgallada xoreynta ah ee ka socda dalka, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Taageerada joogtada ah ee Turkiga ayaa ka dhigtay saaxibka koowaad ee Soomaaliya, wuxuuna xoogga saaray dhanka milatariga iyo dhismaha ciidamada Xoogga dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News