Baydhabo (Caasimada Online) Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, waxaa ku qulqulaay siyaasiyiin iyo odayaal kuwaasoo u ololeenaya hirgalinta maamulka koonfur galbeed oo ay ku mideesan yihiin lix gobal.
Magaalada waxaa maanta gaaray xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen mas’uuliyiinta maamulka gobolka, kan degmada iyo shacabka.
Sheekh Aadan Madoobe, oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ujeeddada socdaalkiisa ay tahay sidii uu uga qeyb gali lahaa shirka ka soconaya magaalada Baydhabo ee la doonayo in maamul loogu sameeyo gobollada Koonfur-Galbeed Soomaaliya.
Wuxuu tilmaamay in ay dhowaan Baydhabo gaari doonaan guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyo xildhibaanno kale oo ka soo jeeda gobalada maamulka loo sameenaayo.
Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, gaar ahaan xarunta ADC-da oo ah halka uu ka socdo shirka maamul u sameenta gobalada lixda ee kala ah, Baay, Bakool,Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Ged iyo Gobalka Shabeellaha Hoose.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho