25.4 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Maxaa kaaga baxay dacwada Xasan Sheekh uu ka gudbiyay Gaas iyo Jawaabta Axmed Madoobe?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia ee uu wakhtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe uga dacwooday C/wali Gaas oo faragalin iyo sadbursi aan hakat laheyn ku haya Doorashada beelaha Gobolada Waqooyi ee ka socta magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan waxa uu Axmed Madoobe u sheegay in C/wali Gaas uu caqabad ku yahay hanaanka geedi socodka, waxa uuna tilmaamay in fulinta shuruud waliba uu ku doonaayo Heshiis isaga u gaara.

Xasan Sheekh waxa uu sidoo kale Axmed Madoobe u sheegay in C/wali Gaas uu caqabad ku yahay hanaanka ololihiisa waxa uuna farta ku goday inuu sabab u noqday kala dirista Xildhibaano dhowr ah oo isaga taagersan.

Xildhibaanada laga kala diray ayuu sheegay in loogu diyaarinaayay magaalada Garoowe, balse uu aad uga xunyahay in dhaqan sidaa ah uu ka helo C/wali Gaas.

Xasan Sheekh waxa uu Axmed Madooobe u cadeeyay in Caqabada ugu weyn ay iminka tahay mid ka heysata dhanka C/wali Gaas, waxa uuna ka dalbaday in xal uu u raadiyo arrinkaasi.

Axmed Madoobe ayaa dhankiisa Xasan Sheekh uga ballanqaaday inuu fududeyn doono xal u helida cabashadiisa, waxa uuna cod dheer ku sheegay in waayadaanba uu la socday xurgufta balse uu diidanaa inuu ka hordhaco.

Axmed Madoobe waxa uu tilmaamay in C/wali Gaas uusan awood u laheyn inuu ka hor imaado qorshooyin aan isaga waxba ka khuseyn, waxa uuna carabaabay inay wada kulmi doonaan si uu usoo afmeero arrintaasi.

Docda kale, Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe ayaa iminka isaga dhaw mas’uuliyiinta kale marka la eego calaaqa xumida ka dhex oogan Hogaamiyayaasha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News