Muqdisho (Caasimada Online)– Waxaa soo baxaaya qorsho cusub oo la sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu dajiyay ka hor inta aan la dooran taa oo la filaayo in la dhaqan galiyo haddii uu soo baxo Xasan Sheekh.
Qorshaha dajintiisa ayaa waxaa qeyb ka ahaa Mas’uuliyiin dhowr ah oo lagu xagliyo Xasan Sheekh waxaana kamid ah Hogaamiyayaal maamul Goboleed iyo Wasiiro daacad u ah Madaxweynaha.
Qorshooyinka leysla dajiyay ayaa waxaa kamid ahaa in la kordhiyo Wasiirada xukuumada cusub ee imaan doona iyadoo la qancinaayo Xildhibaanada u Codeyn doona Xasan Sheekh.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ballanqaadyo u sameeyay Xildhibaanada codka siin doona kuwaasi oo lagu abaalmarin doono dhaqaale iyo ballanqaadyo kale oo aan la sheegin.
Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan ayaa ololihiisa u adeegsanaaya keydka Dowlada isagoo ka dhabeynaaya hamigiisa ku aadan dib usoo laabashadiisa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]