Garoowe (Caasimada Online) – Warar dheerad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa kulan aan caadi aheyn oo magaalada Garoowe ku dhexmaray Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Cumar C/rashiid, Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas, C/raxmaan Faroole iyo Cabdirisaaq Cismaan Juurile.
Kulanka ayaa waxaa abaabulkiisa lahaa Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas, waxaana la soo warinayaa in kulanka looga hadlaayay 2 arrin oo midi ay tahay Doorashada, halka mida labaadna ay tahay xalinta Khilaaf yar oo u dhexeeyay Sharmaarke iyo C/raxmaan Faroole.
Xogta kulanka waxa ay sheegeysaa in madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo musharax ah uu si weyn uga soo horjeedaan Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid oo isaguna ah musharax, kuwaas oo mar ahaa kuwo aad isugu dhaw.
Si looga gudbo Khilaafka labada Mas’uul maadaama ay yihiin Musharaxiin hal dhinac kasoo jeeda ayaa waxaa arrintaasi isku xilqaamay C/wali Gaas oo u kala dabqaadayay labada mas’uul.
Madaxdu waxa ay sidoo kale isla soo hadalqaaden ballanqaad uu Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud u sameeyay C/raxmaan Faroole ballantaasi oo ah inuu la raadinaayo xilal kale oo ay kamid tahay Xoghayaha Guud ee IGAD oo Soomaaliya sanadka danbe u sharaxantahay.
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ballanka uga baxay C/raxmaan Faroole, waxaana la rumeysan yahay in Musharaxnimada Faroole ay tahay mid u sabab ah ballanta uu ka baxay Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale, Qodobka labaad oo ahaa arrimaha Doorashada ayaa waxaa lagu lafa-guray hanaanka Doorashada iyo Musharaxiinta Beesha Daarood uga qeybgaleysa Doorashada Madaxweynaha.
Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid ayaa sheegay in Doorashada ay macquul tahay ineysan wakhtigeeda ku dhicin, waxa uuna cod dheer ku sheegay inuu yahay mid diyaarsan oo wax waliba ay u dhameystiran yihiin.
C/wali Gaas ayaa Sharmaarke u ballanqaaday inay taageeri doonaan ololihiisa waxa uuna Gaas tilmaamay inay ka go’an tahay garabsiinta Cumar C/rashiid.
Docda kale, Cumar C/rashiid ayaa la aaminsan yahay in uu xubno taageersan ku lee yahay Xildhibaanada cusub ee Garoowe lagu doortey.
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

