Erdogan oo qeexay Hadafka cad oo ay Dowladiisa ka leedahay Somalia

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa daboolka ka qaday qorshaha cad Dowladiisa ee ku aadan isgarabtaaga Somalia, kadib khudbad uu ka jeedinaayay shir ka dhacay London.

Madaxweyne Erdogan oo khudbad qiiro leh ka jeedinaayay shirka sanadlaha ee lagu xoojinayo xiriirka dalalka Turkiga iyo Britain, ayaa waxa uu khudbadiisa kusoo qaatay sida uu Turkiga u garabtaagan yahay Somalia iyo in Britain qudheeda laga doonaayo inay qaadato kaalinteeda.

Shirka oo ka dhacaayay magaalladda London ayaa waxaa lagu soo qaatay guud ahaan Siyaasada Turkiga ee Mandiqadda Bariga Dhexe, waxa uuna Erdogaan sheegay inay ka go’an tahay dadaal waliba oo Nabadda loogu baahin lahaa Mandiqadda Bariga Dhexe.

Waxa uu Madaxweyne Erdogan sheegay in ammaanka Gobalka Europe iyo Atlantic muhiim u yahay dalkiisa, wuxuuna intaasi ku daray inay Dowladiisa dadaal xooggan gelinayso sidii Nabad iyo Deganaansho loogu soo dabaali lahaa Mandiqadda Bariga Dhexe.

Mar uu Erdogaan ka hadlaayay Hadafka dowladiisa ee Somalia iyo dalal kale oo dhowr ah ayaa waxa uu yiri “Hadafkeennu waa sidii Deganaansho loogu soo dabaali lahaa dalalka Somalia, Syria, Iraq iyo Afganistan, waxaana jecel nahay inaan  horey u sii wadno Dagaalka ka dhanka ah nooc kasta oo Argagixiso ah”

Erdogaan waxa uu sheegay in haddafkiisa ugu weyn uu xiligaan yahay in Somalia la gaarsiiyo halka ay mudneyd waxa uuna yiri ‘’Wey naga go’antahay inaan Somalia geyno halkii ay mudneyd, waxaa jira rajooyin badan oo hadda muuqda’’

Waxa uu intaa raaciyay ‘’Adduunku waa inuu arkaa Somalia oo kasii kabaneysa dhibta, Syria, Iraq iyo Afganistan oo xaaladoodu tahay meel dhexe’’

Sidoo kale, waxa uu intaasi ku daray inay Dowladaha Turkiga iyo Britain si wadajir ah ula dagaalamayeen Deganaansho La’aanta iyo dadaalka lagu taageerayo Samafalka Aadanaha ee ka socda Gobalka.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Erdogaan ayaa ku celcelshay in hadafkooda ku aadan Somalia uu yahay in la geeyo halka ay mudan tahay isla markaana xal looga raadiyo burburka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com