Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan Maamulka KMG Jubba ayaa inoo xaqiijiyay in socdaalka Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed ee Somalia Shariif Xassan Sheekh Aadan uu yahay mid ku qotoma Siyaasad hoose oo kala dhexeysa Maamulka Jubba.
Ilo wareedka ayaa sheegay in Ujeedka socdaalka Shariif Xassan uu yahay mid ku saleysan in dadka ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle ee dega gobolada Jubbooyinka xilal laga siiyo maamulka Jubbaland, maadaama Shariif Xasan uu ogoleysiiyey beeshiisa inaysan sheegan gobolladaas oo ay degaan.
Sidoo kale, ilo wareedka ayaa sheegay in Shariif Xassan iyo Axmed Madoobe ay si gaar ah uga wada hadleen arrinta la xiriirta xil u magacaabista Siyaasiyiin kasoo jeeda Digil iyo Mirif ee deeganka ku ah Jubbooyinka.
Wararka waxa ay sheegayaan in Axmed Madoobe uu si si diiran usoo dhaweeyay, islamarkaana uu balan qaaday inuu ku dadaali doono in maamulkiisa noqdo mid loo dhan yahay.
Booqashada uu ku tegey Madaxweyne Shariif Xasan magaalada Kismaayo ayaa ah tii ugu horeysay ee uu ku tago halkaas tan iyo markii loo doortay hogaanka maamulka Saddexda gobol ee Koofurta Soomaaliya.
Booqashada wafdiga Shariif Xasan ayaa lagu wadaa inay qaadato laba maalmood iyadoona Axmed Madoobe laga filaayo in Maamulkiisa uu kusoo biirin doono xubno kasoo jeeda Digil iyo Mirifle.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]