25.6 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Xog: Maxaad kala soctaa tirada safiirada uu Farmaajo la damacsan yahay xil ka qaadista?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida laga soo xigtay mas’uul ka tirsan Villa Somalia waxaa socda qorsho isku shaandheyn iyo xil ka qaadis loogu sameynaayo Safiirada Somalia u fadhiya wadamada shisheeye.

Qorshaha Isku shaandheynta iyo magacaabida Safiirada ayaa la xaqiijiyay inuu hogaaminaayo Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, oo ay wehlinayaan Ra’isul wasaaraha Xukuumada Xasan Kheyre iyo Wasiirka arrimaha dibadda Somalia Yusuf Garaad.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa iminka miiska u saaran Isku shaandheynta iyo magacaabida 7 Safaaradood oo ahmiyad gaara u leh xirii
DFS.

Safaaradaha iyo Safiirada diirada saaran ayaa waxaa kamid ah Talyaniga, Qadar, Masar, Sacuudiga, Kuwait iyo Turkiga.

Madaxweynah Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa wada qorsho uu dib ugu soo nooleynayo xiriirka Somalia kala dhexeeya caalamka, gaar ahaan dowladaha aan kor ku xusnay.

Farmaajo ayaa xilalkaasi la doonaaya shaqsiyaad aad ugu dhow dhow isla markaana kala shaqeeyay ololihii lagu doortay, waxaana sidoo kale kamid noqon doona Siyaasiyiin kale oo lasoo shaqeeyay inta uu ahaa Ra’isul wasaaraha.

Talaabadaani ayaa kusoo beegmeysa xili dhawaan uu Madaxweynaha dalka shaaciyay in dowladiisa ay iska dhiseyso xiriirka gudaha iyo dibadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News