25.6 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Maxaa ka mid ah qodobada uu soo jeediyay Axmed Madoobe ee qiira galiyay Farmaajo?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Oline) – Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa magaalada Kismaayo ku qaabilay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Hogaamiyaha ayaa Madaxweynaha ka dalbaday in magaalada Kismaayo laga hirgaliyo qaar kamid ah Xarumaha dowlada, waxa uuna sheegay inuu bixinaayo dhulalka laga dhisaayo xarumahaasi.

Hogaamiyaha ayaa sheegay inay muhiim tahay in caasimadaha maamul Goboleedyada laga helo xarumo ay fadhiisan Madaxweynaha, Ra’isul wasaaraha iyo Guddoomiyaha baarlamaanka.

Waxa uu Madoobe sheegay inaanu macquul aheyn in madaxda ugu sareysa dalka ay fadhiisin ka dhigtaan keliyaha magaalada Muqdisho.

Madoobe waxa uu soo jeediyay in magaalada Kismaayo laga hirgaliyo Xafiisyo gaara oo ay usoo shaqo tagaan Ra’isul wasaaraha iyo Guddoomiyaha baarlamaanka.

”Waxaa lama huraan ah in magaalooyinka Kismaayo, Cadaado, Baydhabo, Jowhar iyo Garoowe laga sameeyo xafiisyo ay ku shaqeeyan Ra’isul wasaaraha iyo Guddoomiyaha baarlamaanka si dalka ay ugu faafto dowlada”

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale Madaxweynaha usoo jeediyay in bishiiba dhowr maalin kulamada baarlamaanka lagu qabto Caasimadaha maamul Goboleedyada, waxa uuna tilmaamay in talaabada noocaasi ah ay waxbadan ka bedeli doonto shaqooyinka dowlada.

Wuxuu sheegay inuusan jirin maamul ka madaxbanaan dowladda federaalka, isagoo xusay inuu rajaynayo sidii loo hirgalin lahaa Kismaayo Xarumo iyo goobo ay ku shaqeeyaan Hay’adaha Dowlada Dhexe gaar ahaan Madaxtooyada Ra”iisul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay soo jeedinta Hogaamiyaha Jubbaland, waxa uuna cod dheer ku sheegay in si dhaqsi ah loo hirgalin doono Xafiisyo ku yaalla magaalada Kismaayo oo ay usoo shaqo tagi doonaan madaxda ugu sareysa dalka.

Dhinaca kale, Farmaajo ayaa Axmed Madoobe ku amaanay sida uu ugu han weyn yahay in dowlada Somalia ay ku faafto dhammaan dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News