24.9 C
Mogadishu
Wednesday, January 28, 2026

Maxaa kasoo baxay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga joogtada ee BF?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Joogtada ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan aan caadi ahayn ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa, kaas oo uu guddoomiyay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo guddoomiye Ku-xigeenka labaad Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ugu horreyn, Guddoomiyaha Baarlamaanka oo kulanka furay ayaa xubnaha guddiga warbixin ka siiyey howlaha Golaha, isaga oo sidoo kale kula dardaarmay in la xoojiyo howlaha horyaala.

Intaas kadib xubnaha guddiga joogtada ah ayaa ka dooday ajendayaasha horutabinta u leh golaha iyo sidoo kale shintiriska ama jadwaleynta doodda iyo soo jeedimaha, oo ay ku jirto wax ka beddalka Dastuurka KMG ka ah.

Waxaa kale oo ay go’aamiyeen in si deg-deg ah Golaha loo horgeeyo ajendayaasha muhiimka, si looga doodo kadibna go’aan looga gaaro.

Shalay ayay ahayd markii guddiyada u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ay guddoonka labada Aqal ku wareejiyeen soo jeedimaha wax-ka beddelka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee Dastuurka, iyo sidoo kale shintiriska ama jadwaleynta doodda soo jeedimaha.

Sidoo kale, waxaa lagu ballamay in ay sii socdaan doodaha la xiriira wax ka beddalka Dastuurka, iyada oo weli ay taagan tahay tabashada mucaaradka.

Horay Villa Somalia oo kaashaneysa Baarlamaanka ayaa ku guuleysatay in wax laga beddalo afarta cutub ee ugu horreyso Dastuurka, taas oo keentay qaylo dhaan wayn oo ka timid mucaaradka iyo labada maamul goboleed ee Jubbaland iyo Puntland, waxayna arrintaas dhalisay xiisad siyaasadeed oo ilaa iyo hadda ka taagan gudaha dalka.

Tallaabadan kale iyo isku deyga haatan la doonayo in lagu sii wado wax ka beddalka qodobada Dastuurka ayaa uga sii dari karta xaaladda murugsan ee dalka, gaar ahaan khilaafka ka jira hannaanka doorashooyinka dalka.

Si kastaba, dhawaan ayaa qorshuhu yahay in wada-hadallo toos ah ay yeeshaan Villa Somalia, Jubbaland, Puntland iyo Mucaaradka, si xal looga gaaro khilaafka ka dhashay wax ka beddalka Dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News