Hargeysa (Caasimada Online) – Madxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) ayaa maanta dib uga soo laabtay magaalada Abu Dubai ee dalka Isu Tegga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu ku tegay booqasho qaadatay dhowr cisho.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in ujeedka safarka Madaxweynaha uu ahaa mid shaqsi iyo shaqo ah, uuna kusoo dhamaaday si guul ah.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta dalka ku soo laabtay, kadib safar shaqsi iyo shaqo isugu jiray oo uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Madaxtooyada.
Waxaa kale oo bayaanka lagu sheegay in Madaxweynuhu muddadii uu ku sugnaa dalka Isu Tegga Imaaraadka Carabta uu si xooggan uga hawlgalay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee ay Somaliland la leedahay dalalka Caalamka, isaga oo kulamo kala duwan oo arintaasi lagu xoojinaayana la yeeshay masuulyiin sar sare.
Cabdiraxmaan Cirro ayaa sidoo kale kal hadlay madaxda dalka Imaaraadka kordhinta mashaariicda ay ka helaan, si ay Somaliland iyo dadkeeda u helaan fursado muhiim ah.
Cirro ayaa sidoo kale intii uu ku sugnaa dalka Imaaraadka Carabta, waxa uu ka qayb galay kulamo caalami ah, sida shirkii Afrika Debate ee lagu qabtay magaalada Dubai.
Sidoo kale, waxa uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay ganacsatada iyo Jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool dalka Imaaraadka Carabta, isaga oo kala hadlay xoojinta xidhiidhka ganacsi iyo ka maalgashi ee dalkooda hooyo, iyo ka qayb qaadashada fursadaha horumarineed ee dalka Somaliland, sida lagu sheegay qoraalka Madaxtooyada.
Hargeysa iyo Abu Dubai ayaa waxaa ka dhexeeyax xiriir toos ah oo diblomaasiyadeed, kaas oo keenay in mar badan uu Madaxweyne Cabdiaxraam Ciro isaga daba laabtay gudaha dalka Imaaraadka, si loo xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga buuxa ee labada dhinac.