Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi oo ku aadan xaaladda guud ee dalka, amniga iyo dhacdooyinkii argagaxa lahaa ee dhawaan ka dhacay qaar kamid ah gobollada dalka.
Shirka Golaha oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa ugu horreyn warbixinno la xiriira ammaanka caasimadda iyo guud ahaan dalka, waxaa looga dhageystay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo uu weheliyo Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir
Asad Diyaano iyo Macallin Mahdi ayaa warbixinnadooda kusoo bandhigay horumarka laga sameeyay sugidda amniga, iyo qorshaha lagu xaqiijinayo amniga doorashooyinka golaha deegaanka gobolka Banaadir ee dhawaan la qaban doono.
Dhankooda Golaha Wasiirrada ayaa si wayn u boggaadiyay guulaha ay Ciidanka Qalabka Sida ka gaareen dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo amniga iyo badqabka guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa kale oo shirka Golaha Wasiirrada lagu cambaareeyay dhacdooyinkii ka baxsanaa dhaqanka iyo diinta suubban ee Islaamka ee lagu dhibaateeyay shacab birma-geydo ah, iyada oo Xukuumaddu ay fartay hey’adaha amniga in sharciga la horkeeno cid kasta oo ku lug yeelatay falalkaas xadgudubka ah.
Dhacdooyinkan ayaa si gaar ah uga dhacay aagga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose iyo qaybo kale oo kamid ah gobollada dhexe ee dalka, waxaana lagu laayay dad rayid ah oo ay ku jiraan dumar, carruur iyo dad da’ ah oo aan waxba galabsan.
Arrintii ugu darneyd waxa ahayd markii jirdil iyo gubid la’isugu daray Isaaq Daa’uud oo ahaan odey da’ ah, kaas oo si arxan darro loogula dhaqmay duleedka degmada Wanlaweyn oo haatan ay ka taagan tahay colaad xooggan.


