Maxaa kasoo kordhay xiisada siyaasadeed ee Puntland?

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa waxaa weli ka taagan xiisad xoogan oo u dhexeyso xukuumadda Saciid Deni iyo xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo, kuwaas oo horay ugu dagaalamay gudaha magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in haatan ay socdaan dadaallo xoogan oo ku aadan, sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafka siyaasadeed ee haatan ka jira Puntland, kaas oo ay wadaan Isimada Dhaqanka iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada Puntland.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in wufuud kala duwan ay hadda kusii qul-qulayaan Garoowe oo la filayo inuu ka dhaco shirweyne xal loogu raadinayo xiisaddaasi.

Xubnaha gaaray magaalada, waxaa kamid ah Islaan Bashiir Islaan Cabdille, iyada oo maantana la filayo in ay halka tagaan Isimo kale oo qayb ka ah dadaallada socda.

Waxaa sidoo kale maanta ka dagay Garoowe, ra’iisul wasaarayaashii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke iyo Cabdiweli Gaas oo iyaguna halkaas lagu soo dhaweeyay.

Qorshaha uu yahay inay waa-waantaa ku biiraan waan-waanta socota, ayada oo sidoo akel qayb ka noqon doonaan siyaasiyiin kale, sida Cabdiraxmaan Faroole, Axmed Ciise Cawad iyo kuwa kale.

Ujeedka ayaa ah in dhinacyadu ay isugu yimaadaan shir ballaaran oo looga tashanayo aayaha Puntland iyo xiisadda taagan, kaas oo lagu wado inuu furmo maalmaha soo socda.

Puntland ayaa haatan wajaheysa xaalad siyaasadeed oo cakiran, taas oo ka dhalatay doorashada guud ee maamulkaas iyo wax ka beddal dastuurka.

Si kastaba, arrinta ayaa faraha ka baxday markii uu dagaal culus ka dhacay bartamaha magaalada oo ay isku fara-saareen labada dhinac, kaas oo geystay dhimasho iyo dhaawac.