Maxaa kasoo kordhay xiisadda siyaasadeed ee Somaliland?

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in maanta ay dagan tahay xaaladda Somaliland, waxaana la hakiyey dibad-baxii ay soo abaabuleen mucaaradka oo lagu waday inuu maanta ka dhaco magaaladaasi.

Hoggaanka xisbiyada mucaaradka ee Wadani iyo UCID oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ku dhawaaqay inay joojiyeen dibad-baxii maanta la filayey, kaas oo looga soo horjeeday xukuumadda Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Waddani, Xirsi Cali Xaaji Xasan oo goobta ka hadlay ayaa sababta ku sheegay inay ka war sugayaan ergada u timid ee ku howlan dhex-dhexaadinta labada dhinac, si aysan markale rabshado uga dhicin magaalada Hargeysa.

“Salaadiin, Culima’udiin iyo Ganacsato is abaabulay oo 31 ah ayaa naga codsaday in aan hakino dibadbaxa, waxa aan taageerayaasheena u sheegeynaa ma aanay joojin mudaharaadyada balse waqti kooban ayaan hakinay, innaga oo ixtiraameyna Ergada inoo timid oo ah Dad la aamini karo si aan waqti kooban fursad u siino inta wanaagga jecel, sidoo kale waxaa nala soo xiriiray Beesha Caalamka oo naga codsaday in aan hakino ama joojiyo waxa aan ku dhahnay waan hakineynaa” ayuu yiri guddoomiyaha xisbiga Waddani.

Xirsi Cali Xaaji oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in xisbiyo ahaan aysan ka fileyn wanaag xukuumadda, isla-markaana ay soo dhammaadeen wadahadalladii u socday.

“Wadahadal aan miiska isugu imaaneyno oo aan kawada hadleyno way soo dhammaatay waana soo tijaabinayay, in ku dhaw 60 ama 70 jeer wax ku dhaw ayaa wada fadhiisanay waxna waa mira-dhali wayday xiisa uma qabno, Cid weliba oo wanaagga jecel ee dhexdeeda rabta in ay gasho waan soo dhaweyneenaa oo fursad ayaan siineynaa, Madaxweynaha Jooga ayaa ka dhega-fureystay wadahadalkii dhexdeena” ayuu sii raaciyey.

Dhinaca kale guddoomiyaha xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe oo isna hadal siiyey warbaahinta ayaa weerar afka ah ku qaaday  Biixi, isaga oo u jeediyey eedeymo culus.

Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay Madaxweynuhu afartii sano ee lasoo dhaafay uu abuuray dood, is necbeysi iyo kala qaybin, sida uu hadalka u dhigay.

“Dadkeennu waxa ay dugsanayeen Nabadda 30kii sano u dambeysay marka laga reebo 4-taa sano iyo badhka ee uu Muuse Biixi joogo in aynu dood is necbeysi, kala qaybsi & muran uu u bixiyay ila-meereyso sameeyay” ayuu yiri guddoomiyaha UCID Feysal Cali Waraabe.

Somaliland ayaa haatan wajaheysa xasarado siyaasadeed oo la mid ah tii ay soo martay Soomaaliya, ka hor doorashooyinkii soo dhammaaday , waxayna hoggaanka Somaliland, gaar ahaan xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ay isku hayaan doorashada Somaliland.