26.9 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Maxaa Keating iyo Katumba ka galay amniga doorashada dalka?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ka dhacay xarunta xalane ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay qorshaha ammaanka ee xilliga kala guurka Siyaasadda ee Somalia.

Kulanka oo ahaa mid khaas ah ayaa waxa uu u dhexeeyay ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating iyo Taliyaha Ciiddanka Uganda, General Edward Katumba Wamala.

Labada mas’uul waxa ay isla soo hadalqaaden Hanaanka lagu sugi lahaa amniga xiliga Doorashooyinka iyo Musharaxiinta, waxa ayna isla fahmeen in lagama maarmaan ay tahay in la helo jawi degan oo lagu xaqiijinkaro amniga.

Michael Keating, waxa uu kulanka ka sheegay in QM ay diyaar u tahay inay ka qeybqaadato sida loo hubin lahaa arrimahaasi, waxa uuna intaa raaciyay in khubaro ay ku biirin doonaan Xubnaha loo xilsaari doona diyaarinta Hanaanka lagu xaqiijin lahaa amniga Somalia inta lagu gudajiro xiliga doorashada.

Michael Keating, waxa uu sidoo kale sheegay in Taliska AMISOM looga baahan yahay inay la imaadan qorshaha kama danbeysta ah ee lagu xasilin lahaa amniga doorashada waxa uuna qalinka ku duugay in QM ay ka qeybqaadan doonto dhammaan talaabooyinkaasi.

Taliyaha Ciiddanka Uganda, General Edward Katumba Wamala, ayaa isna cadeeyay in AMISOM aysan ka jiifan doonin qorshaha, waxa uuna bidhaamiyay in qorshahaasi ay bilaaben xili hore, si looga dhabeeyo wax kabedelka amniga Muqdisho.

Sidoo kale, Taliyaha Guud ee hawlgalka AMISOM, General Osman Noor Subagleh oo isagana ka hadlay Kulankaasi ayaa sheegay inay socdaan hawlaha Iskaashiga ee lagu xaqiijinayo Xaalladda Ammaanka ee Somalia.

Subagleh, waxa uu kulanka ka shaaciyay in nuqulo kamid ah Jadwalka ay ku xaqiijinayaan amniga Doorashada Somalia ay usoo gudbin doonaan Xafiiska QM ee magaalada Muqdisho.

Docda kale, Mr Michael Keating, General Subagleh iyo Taliyaha Ciiddanka Uganda, General Edward Katumba Wamala, ayaa kulanka ku kala qaatay warqado lagu koobay qorshaha howlgalka iyo ballanqaadka Michael Keating uu goobta ka sheegay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News