Maxaa keenay walaaca QM ee ficillada S/land (Maxaadan ogeyn oo socda?)

Qaramada midoobey ayaa wel-wel ka muujiyey asbuucaan qorshe maamulka Somaliland ku damacsan tahay inuu ku dhiso ciidamo gaar ah oo ilaalinaya goobaha shidaalka laga qodo doono, sidaas waxaa lagu sheegey qoraal hordhac ah oo saxaafada qaarkeed aragtey.

Shirkada laga leeyahay dalka Norway’s DNO International AS DNO.OS +0.28%  A and Genel Energy GENL.LN +1.63%  PLC—shirkad yar oo laga leeyahay dalka Ingriiska taasoo uu madax ka yahay Tony Hayward , BP BP.LN -0.51%  PLC’s – waxaa uu madax ka ahaan jirey shirkada shidaalka BP iyo ninka hadda madaxda ka ah shirkada macdanta baarta GLNCY -0.84%  PLC ayaa heshiis shidaal baaris ah dhowaan la sixiixdey maamulka gooni isu-taaga ah ee Somaliland, heshiiskaas oo dowlada Federaalka ku tilmaamntey waxba kama jiraan iyadoo sabab uga dhigtey in maamulada kaligood aysan heshiis shidaal baaris ah gali karin.

May 27,2014 waraaq ay golaha amaanka Qaramada Midoobey u direen kooxda ilaalada Somalia iyo Eritreia ayay ku soo bandhigeen sida dowlada Somaliland uga gaabisay iney u soo bandhigto lacagaha lagu bixiyey heshiiskaan shidaal baarista iyo qaabka loo dhisayo ciidamo gaar ah oo ilaaliya qodista macaadintaan.

” Waa eedeyn aan sal iyo raad toona laheyn in xisaab muujin aysan jirin”ayuu yiri Wasiirka macaadinta iyo shidaalka maamulka Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale isaga oo saxaafada la hadley Jimcihii lasoo dhaafey. Dowlada Somaliland way muujisay sanadkii la soo dhaafey lacagahii ay ku qaadatey saxiixida heshiiskaan, iyadoo ay la socota lacagaha laga qaadey DNO $750,000 iyo $1.8 Milyan oo laga heley shirkad laga leeyahay dalka Yamen.Ciidamada la dhisayo waxaa maamulaya Wasaarada Arrimaha Gudaha ayuu raacshey isaga oo saxaafada la hadalaya.

DNO kama hadlin qoraalka kasoo baxey kooxda Ilaalada Somalia iyo Eritrea balse afhayeen u hadley shirkada Ganel waxaa uu sheegey iney tageerayaan aabuurista ciidamada ilaalinaya qodista shidaalka.

Qoraalkaan aya dhinaca kale sheegaya in ciidamadaan ka koobnaan doonaan 580 askari kuwaasoo kharashkooda bixin doonaan shirkadahaan taasoo ay walaac ka muujiyeen QM.

Ciidamada Somaliland ayaa bilihii lasoo dhaafey dhaqdhaqaaqyo xoogan ku sameeyey degaanada xuduudka la ah Puntland iyadoo kulamo siyaasdeed la qaatey daka degaanada kasoo jeeda qaarkood.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland ayaa horey u sheegey in dhowaan kulan uu wadanka Ethiopia kula qaatey Madaxweynaha Puntland.

Dowladda Puntland ayaan warsaxafadeed rasmiya oo arinkaas ku beenineyso ka soo saarin balse wareysiyo Madaxweyne Gaas siiyey saxaafada qaarkeed ku tilmaamey in kulan gaar uusan jirin balse madaxda maamulka Somaliland isku salaameen shir ka dhacey magaalada Bahardar wadanka Ethiopia.

Dhinaca kale dhaqdhaqaaqa xoogan oo ay wadaan siyaasiyiinta maamulka la magac baxey Khaatumo kuwasoo uu hogaaminayo Xildhibaan Cali khaliif Galeydh ayaa salka ku haya ka warheynta heshiisyadaan shidaalka Somaliland la gashey shirkadaha shidaalka raadinaya kuwaasoo baaris raba iney ka sameeyaan degaanada Sool meelo kamid ah sida Hol-Hol.

Qaramada Midoobey ayaa walaac weyn ka muujineysa in halkaas uu ka qarxo dagaal kasoo noqon kara mid aysan dowladaha Puntland iyo Somaliland ku lug yeelan balse isku hardiyaan qabaa’ilada wada daga degaamadaas.