Maxaa kusoo kordhay qorshaha lagu wado in lagu magacaabo Golaha Wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya Villa Somalia ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socto qabanqaabadii ugu danbeysay ee lagu magacaabi lahaa xubnaha Golaha Wasiirada.

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia ayaa lasoo warinayaa inuu wargaliyay Xubnaha la filaayo inay kamid noqon doonaan Golaha Wasiirada, si ay ugu diyaar garooban Villa Somalia oo ay ka dhici doonto magacaabida.

Ra’isul wasaaraha ayaa la sheegay in Saacad ka hor uu la kulmay Madaxweynaha Somalia, waxaana la xaqiijiyay in la faray inuu ku dhawaaqo Golaha Wasiirada.

Villa Somalia ayaa waxaa ka socda qabanqaabadii ugu dambeysay ee lagu magacaabaayo Golaha Wasiirada, waxa ayna wararku sheegayaan in Golaha lagu dhawaaqi doono ilaa Caawa haddii uusan dhicin isbedel.

Ilo ku dhow dhow Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay in labada mas’uul ay dhankooda kasoo dhamaatay magacaabida, sidoo kalane la sugaayo kaliya isku imaatinka Xubnaha kamid noqon doona Golaha oo lama huraan ah inay ku sugnaadan Goobta xiliga ku dhawaaqida.

Dhinaca kale, Waxaa la marti galiyay Diplumaasiyiin ka tirsan Beesha Caalamka gaar ahaan qeybaha ku sugan magaalada Muqdisho kuwaa oo goobjoog ka noqon doona magacaabida.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com