Maxaa loo fulin la’yahay xukunnada DILALKA ah ee maxkamadaha DALKA?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan hore Idiris Cabdi Dhakhtar oo ka qayb-galayey Barnaamijka Falanqeynta Siyaasadda ee Soomaali Cable ayaa ka hadlay sababta ay dowladda uga gaabisay inay fuliso xukunada dilalka ah ee kasoo baxa maxkamadaha.

Dhaqtar oo ka mid ahaa baarlamaankii 10-aad ee dalka, isla-markaana kasoo jeeda dhanka Koonfur Galbeed ayaa shaaciyey in xasbiyada waa weyn ee dalka ay ka buuxaan maxaabiis loo heysto dilal ay geysteen, kuwaas oo isugu jiro askar & shaqsiyaad kale oo dilal geystay.

“Xabsiyada waa buuxaan nin nin dilaa ka buuxo, askar badan oo dad dishay. Qofkii waa la qabanayaa waa la xirayaa,” ayuu yiri Xildhibaan hore Idiris Dhaqtar.

Siyaasi Idiris Cabdi Dhakhtar ayaa xusay in dhowr jeer ay u tegeen madaxweynihii hore, ayna kala hadleen arrintaas, si ay cadaalad u helaan dhibaanayaasha, loona fuliyo xukunada kasoo baxay maxkamadaha dalkeenna, gaar ahaan kuwa dilalka toogashada ah.

Sababta looga gaabiyey ayuu ku sheegay inay la xiriirto dowladda oo ka baqeyso cambaareyn xoogan oo uga imaaneysa dowladaha waa weyn iyo xuquuqul insaanka.

“Dowladdii hore ee Farmaajo dhowr jeer ayaan u tegnay annaga dad dad dilay oo meesha ka buuxo oo dadkoodii ay diideen inay magta qaataan aan ula tegnay wuxuu yiri, haddii aan sameyno kuwaan xuquuqda insaanka maalin walba dilal yar yar oo aan sameynaybaa nagula heystaa waayey,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Siyaasiga Idiris Cabdi Dhakhtar.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in fulinta dilalka toogashada ah ay nabadda ku jirto, loona baahan-yahay in dowladda ay fuliso sida ugu dhaqsiyaha badan xukunadaasi.

“Dilka sidiisa nabad waayey, wadankaan dadkaan maxaabiista ee meesha ka buuxdo oo dadkii masaakiinta ahaa dilay xabsiyada saan ayey u buuxaan, maamul goboleedyada xittaa saas waayey, waxaa la arkaa mararka qaar nin Al-Shabaab ah oo la qabtay oo la dilay,” ayuu markale yiri Idiris Cabdi Dhaqtar oo u warramay Telefishinka Soomali Cable.

Hadalkan ayaa ku soo, ayada oo haatan ay jiraan maxaabiis tiro badan oo sanado ku xiran xabsiyada dalka, kuwaas oo ku xukuman dilal toogasho ah, balse aan weli lagu fulin.