26.3 C
Mogadishu
Friday, November 28, 2025

Maxaa looga hadlay kulanka Villa Hargeysa? + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maantashir guddoomiyey kalfadhiga 7-aad, kulankiisa sagaalaad ee Guddiga Joogtada oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Guddoomiyaha oo kulanka furay ayaa mar hore bogaadiyey guddiyada Golaha Shacabka howlaha ay hayaan ee la xiriira ka shaqeynta shuruucda ay gacanta ku haayaan iyo kulamada la xisaabtanka ah ee ay la yeelanayaan wasaaradaha iyo hay’adaha ay korjoogteynta ku leeyihiin.

Sidoo kale wuxuu xubnaha guddiga joogtada uga warbixiyey shirkii guddoomiyaasha baarlamaanadda urur-goboleedka bulshada bariga Afrika ee ka dhacay magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.

Shirkaasi ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka loogu doortay shir guddoonka guddoomiyaasha baarlamaanada urur-goboleedka bulshada bariga Afrika.

Guddoomiyaha ayaa la wadaagay in Soomaaliya bartamaha sanadka 2026 ay marti-gelinayso shirka guddoomiyaasha Bbaarlamaanadda urur-goboleedka bulshada bariga Afrika.

Intaasi kadib xubnaha guddiga joogtada ayaa guddi walba waxaa laga dhageystay warbixin ku saabsan shuruucda hortaala iyo sidoo kale habraacyada u dhiman, waxaana xubnaha guddiga ajendeyn iyo jadwaleyn ku sameeyeen ajendayaasha kulamada guud ee golaha todobaadka soo socda.

Aadan Madoobe oo kulanka soo xiray ayaa ku booriyay guddiyada G
Golaha in ay dardar-geliyaan ka shaqeynta shuruucda hortaala islamarkaana ay goleweynaha u gudbiyaan si uu waajibaadkiisa uga guto.

- Advertisement -

Read more

Local News