Maxaa looga heshiiyey wada-hadalkii wasiirrada arrimaha dibadda Somalia iyo Kenya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa shaacisay in xiriir taleefoon oo dhex-maray wasiirrada arrimaha dibadda ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, kaas looga wadahadlay dib u howl-gelinta safaaradaha labada dal oo xirnaa dhowrkii bilood ee u dambeysay.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud iyo wasiirka arrimaha dibadda Kenya Raychelle Omamo, ayaa maanta telefoonka isku weydaarsaday muhiimadda ay labada dal u leedahay dib u soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed, waxaana kulankaas ka soo baxay is-faham, sida lagu sheegay qoraalka wasaaradda.

“Labada wasiirba waxay dib u xaqiijiyeen baahida loo qabo in si deg deg ah dib loogu furo labada safaaradood ee Soomaaliya iyo Kenya ee Muqdisho iyo Nairobi, waxayna ku nuuxnuuxsadeen muhiimadda ay leedahay in la hagaajiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wasiirradu waxay muujiyeen rajo weyn oo ah in la horumariyo ganacsiga, amniga iyo xiriirka dhaqan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, sida lagu shaaciyey qoraalka ay wadahadalkaas ka soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

“Ugu dambeyntiina, waxay ku heshiiyeen in la sii wado marinnada diblomaasiyadeed ee labada waddan ee isgaarsiinta u dhexeeya labada caasimadood iyo dhammaan arrimaha xiriirka diblomaasiyadeed ee istiraatiijiyadeed.”

Soomaaliya iyo Kenya ayaa hadda ka shaqeynaya dib u soo celinta xiriirkoodii diblomaasiyadeed oo waayahaan mugdi badani uu hareeyey, balse weli waxaa jira marxalado markii hore xumeeyey oo aan hagaagin, sida dacwadda badda, qaadkii ay Kenya u soo dhoofi jirtay Soomaaliya oo aan la fasixin iyo dacwad kale oo Soomaaliya ay maalin ka hor ka gudbisay Kenya, kadib markii duqeyn ka dhacda Gedo ay ku dishay dad rayid ah.