29.9 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

Maxaa maalinta berri ah ka bilaabanaya magaalada Muqdisho?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qeybinta kaararka codbixinta ee dadka ku nool gobolka Banaadir ayaa maalinta berri ah si rasmi ah uga bilaabaneysa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay inuu fariin gaar ah u dirayo muwaadin kasta oo hore isu diiwaangeliyay, si uu uga soo qaato kaarkiisa goobtii uu horey uga diiwaangashanaa.

“Qof kasta waxaa loo soo diri doonaa fariin uu ku ogaanayo goobta uu ka qaadanayo kaarka codbixinta, waxaana laga codsanayaa inuu tago halkaas si uu u helo kaarkiisa,” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga, Cabdikariin Axmed Xasan.

Guddoomiye Cabdikariin ayaa sidoo kale sheegay in wajiga hore ee qeybinta lagu bilaabi doono degmooyinka xeebta ku teedsan ee Xamar Weyne, Shingaani, Boondheere, Xamar Jajab, Waaberi, Shibis iyo Cabdicasiis.

Guddiga wuxuu tilmaamay in guud ahaan 42 goobood laga hirgelin doono qeybinta kaararka doorashada, si ay dadka deegaanka ugu fududaato helitaanka kaarka codbixinta.

Sida lagu sheegay warbixinta guddiga, tirada dadka hore iskaga diiwaangeliyay diiwaangeliyay gobolka Banaadir ayaa kor u dhaaftay 900,000 qof, taas oo muujinaysa sida ay shacabka ugu diyaar garoobeen doorashooyinka heer degmo ee la qorsheeyay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli ku adkaysanaysa go’aankeeda ku aaddan in dalka laga hirgeliyo doorashooyin qof iyo cod ah, iyadoo lagu hormarayo kuwa heer degmo ah, si loo xoojiyo dimuqraadiyadda iyo hufnaanta nidaamka doorashooyinka.

Si kastaba, arrintan ayaa imaneysa xilli ay weli bannaanka ka joogaan arrimaha doorashooyinka qof iyo codka maamullada Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee la magac baxay Madasha Samatabixinta, kuwaas oo si adag uga horyimid hanaanka loo maray doorashooyinka qorsheysan iyo guddiga loo igmaday.

- Advertisement -

Read more

Local News