25.6 C
Mogadishu
Wednesday, October 29, 2025

Maxaa maanta ka dhacay safaarada Turkiga ee Muqdisho? + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xuska 102-aad ee aas-aaska Jamhuuriyadda Turkiga ayaa maanta lagu qabtay xarunta safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo ka qaybgalay xuska munaasabaddan ayaa sheegay in maalintan ay tahay maalin farxad wadaag ah oo u dhexeysa labada dal.

“Maalintani waa maalin aan si wadajir ah ula faraxno walaalaheen Turkiga, waa maalin lagu xusayo geesinimadii iyo halgankii uu hormuudka u ahaa Mustafa Kemal Atatürk, kaas oo dhidibbada u taagay Jamhuuriyad casri ah oo dhiirrigelisay dunida oo dhan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid qoto dheer, taariikhi ah oo walaaltinimo ku dhisan.

Sidoo kale wuxuu uu dib u xusuusiyay booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan uu ku yimid Muqdisho bishii Agoosto 2011, xilli Soomaaliya ay la daalaa dhacaysay abaar iyo amni darro.

“Sannadguuradan waxa ay fursad u noqon doontaa in aan sii xoojinno iskaashigeenna dhinacyada ganacsiga, amniga, dhaqanka, waxbarashada iyo xiriirka shacabka labada dal,” ayuu dii raaciyay ra’iisul wasaaruhu.

Mudane Xamza ayaa uga mahad-celiyey dowladda Jamhuuriyadda Turkiga taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, difaaca, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.

- Advertisement -

Read more

Local News