Maxaa shaki geliyey dhab ahaanshaha musharaxnimada madaxweyne ee Kheyre?

Warbixintan oo muuqaal ah halkan ka daawo.

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku dhowaad sanad kadib markii uu qoraal yar oo uu twitter-ka soo dhigay ku sheegay inuu yahay musharax madaxweyne, ayaa waxaa weli dadka xog-ogaalka u ah siyaasadda Soomaaliya ay shaki gelinayaan dhab ahaanshaha musharaxnimada Xasan Cali Kheyre. 

Kheyre naftiisa ayaa tallaabooyinka siyaasadeed ee uu qaadayo, amaba uusan qaadan, ay kaga sii darayaan shakiga laga qabo inuu yahay musharax dhab ah, oo ay ka go’an tahay inuu kursiga kala wareego madaxweyne Farmaajo.

Siyaasiyiinta badan iyo falanqeeyeyaal Soomaali iyo ajaanibba leh ayaa shakiga ka dhanka ah dhab ahaanshaha hanka Ra’iisul Wasaarihii hore sabab uga dhigaya dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin:

Kheyre ma dhisin xisbi siyaasadeed: Dhammaan musharaxiinta miisaanka culus ee u taagan xilka madaxweyne waxay dhisteen xisbiyo siyaasadeed, oo ay hoggaamiyaan. Xasan Sheekh wuxuu madax u yahay UPD, Shariif wuxuu maamulaa Himilo Qaran, Cadbiraxmaan Cabdishakuur wuxuu dhisay Wadajir, Cabdikariin Guuleed wuxuu guddoomiyaa Sahan Party, halka Cabdulqaadir Cosoble uu madax ka yahay Ileys.

Inkasta oo laga yaabo in xisbi aan lagu galin doorashada, haddana xisbiga waa madal kulmisa musharaxiinta iyo xubnaha taageersan. Sidaas darteed, musharax kasta wuxuu leeyahay xubno taageersan oo la yaqaan oo ku jira xisbigiisa. Illaa hadda ma naqaan hal siyaasi ama xildhibaan oo ku aragti ah Xasan Cali Kheyre.

Xiriirka Villa Somalia: Ka sokow in shaki la gelinayo musharaxnimadiisa, Xasan Cali Kheyre waxaa weli lagu xantaa inuu ku xiran yahay Villa Somalia, oo uu weli saaxiib qarsoon la yahay Farmaajo iyo Fahad Yaasiin. Dadka ra’yigan qaba ayaa sheegaya kulamo qarsoodi ah oo dhinacyada dhex-maray, inkasta oo aan la xaqiijin karin.

Xitaa qaarkood ayaa gaarsiinaya inuu yahay wakiil loo soo diray inuu ka dhex-shaqeeyo mucaaradka. Waxaa shakiga sii kordhinaya, in ilaa markii uu xilka ka tegay uusan Xasan Cali Kheyre si toos ah u magacaabin Farmaajo iyo Fahad, oo uusan marnaba u dhaliilin si shaacsan, xilli ay jirto qaladaad badan oo musharaxiinta kale ay ku eedeeyeen ayaga oo aan la gabban.

Sidii uu xilka uga degay: In 7 daqiiqo gudahood xilka looga tuuro waxay muujisay in miisaanka siyaasadeed ee Xasan Kheyre uu aad u hooseeyo, sababtoo ah haddii Kheyre awood siyaasadeed ku dhex lahaan lahaa dalka, gaar ahanna baarlamanka, ma dhacdeen in 7 daqiiqo xilka looga tuuro.

Dadka siyaasadda fallanqeeya ayaa sidoo kale qaba in arrintan ay meesha ka saarayso rajadiisa ah in la doorto maadaama la filayo in ay dib u soo laabtaan xildhibaanandii riday ugu yaraan 70% kamid ah, ayaga oo is-weydiinaya sida xildhibaano ku riday 7 daqiiqo gudahood ay madaxweyne ugu dooran doonaan. 

Muddadii uu xilka Ra’iisul Wasaaraha hayay, saaxiibada siyaasadda ee kaliya ee uu lahaa waxa ay ahaayeen siyaasiyiinta ugu dhow madaxweyne Farmaajo, taas oo sababtay in aysan jirin koox siyaasadeed oo iibisa aragtidiisa islamarkaana la fududeysa caqabadaha siyaasadda.

Siyaasi aan la aamini karin: Xasan Cali Khayre markii ugu horreysay waxa uu saaxada siyaasadda kusoo galay isaga oo kamid ahaa kooxdii Xasan Sheekh Maxamuud. Kheyre ayaa ugu dhowaa madaxweyne Xasan Sheekh, ilaa heer uu gaaray inuu galo kooxdii olalahiisa madaxtinimada ka shaqeyneysay 2016.

Xilligaas, Kheyre wuxuu isaga oo ka tirsan kooxda Xasan Sheekh, haddana si hoose ula shaqeynayey Farmaajo, waxaana la rumeysan yahay in mid ka mid ah sababaha looga adkaaday Xasan Sheekh ay tahay in xogtiisa oo idil uu hayey Farmaajo.

Marka xigtay, isaga oo fulinaya qorshaha Farmaajo ayuu markii uu noqday ra’iisul wasaare dagaal ku qaaday madaxda maamul goboleedyada dalka oo istooda badan meesha ka saaray, halka madaxdii maamulladaas la geeyay ay fahansan yihiin in aysan aamini karin, xilligaasna uu fuliyay qorshe uu Farmaajo lahaa.

Aaminaad la’aantan ayaa ka fogeyneysa Xasan Kheyre saaxiibo badan oo uu heli lahaa, taasi oo shakiga laga qabo musharaxnimadiisa sii kordhisay. 

Wax ay ahaataba, waxaa dhab ahaanshaha iyo awoodda siyaasadeed ee Kheyre ay kala caddaan doonaan marka laga gaaro doorashada.