27.1 C
Mogadishu
Friday, November 28, 2025

Maxaa xalay ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya? + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay Madaxtooyada casho sharaf ugu sameeyay Culimada Soomaaliyeed.

Culimadan ayaa qeyb ka ahaa Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed, kaas oo shalay ku soo gaba-gaboobay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Madaxweynaha ayaa culimada ku bogaadiyey doorka ay ka qaadanayaan wacyi-gelinta bulshada, ka hortagga afkaaraha xagjirnimada iyo xoojinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in dhaqanka Soomaaliyeed iyo dowladnimaduba ay ku tiirsan tahay talo, hagid iyo baraarujin.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay muhiimadda ay leedahay in si joogto ah loo xoojiyo iskaashiga dowladda iyo culimada, isagoo soo bandhigay in markii ugu horreysay ciidamada xoogga dalka lagu kabay tiro culimmo oo ka mid noqda, si ay uga wacyi geliyaan ciidanka dhaqannada aan wanaagsanayn.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo dhaweeyey go’aammada ka soo baxay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed, kaasi oo shalay lasoo gaba-gabeeyay.

Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha ayaa adkeeyay in talooyinkooda iyo go’aannada shirku ay door muuqda ka qaadan doonaan xoojinta nidaamka dowladnimo, ilaalinta qiyamka diinta Islaamka iyo ka hortagga fikiradaha gurracan ee argagixisada.

- Advertisement -

Read more

Local News