Doha (Caasimada Online) – Wax yar kahor saqdii dhexe ee Isniinta, saraakiil ka tirsan dowladda Qatar ayaa saxafiyiin ku shiriyay qol kulan oo midabkiisu guduud yahay, si ay uga falceliyaan gantaallo ay Iran ku weerartay saldhig weyn oo militari oo Mareykanka ku leeyahay lama-degaanka duleedka magaalada Doha ee caasimadda Qatar.
Majed al-Ansari, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Qatar, ayaa sheegay in dalkiisu xaq u leeyahay inuu ka jawaabo weerarkii dhacay saacado kahor. Isla waqtigaas wuxuu ku baaqay in hoos loo dhigo xiisadda dagaalka cusub ee u dhexeeya Israa’iil iyo Iran, isagoo soo jeediyay in la bilaabo wadahadallo xabbad-joojin.
Si kastaba ha ahaatee, waxay u muuqataa in Qatar horeyba u bilowday dadaallo dhexdhexaadin ah, iyadoo si qarsoodi ah ula xiriirtay xulafada Mareykanka ee Israa’iil iyo dowladda Iran.
“Dhacdadan waxay muujineysaa in Qatar ay tahay dal awood u leh inuu jug qaato, haddana uu qaato mowqif macquul ah oo wax-ku-ool ah,” ayay tiri Sanam Vakil, oo ah agaasimaha barnaamijka Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika ee machadka Chatham House.
Kadib markii Mareykanku farageliyay dagaalka isagoo dhinaca Israa’iil ah, isla markaana Axaddii duqeeyay xarumaha nukliyeerka Iran, Iran waxay kaga jawaabtay inay weerar ku qaaddo saldhigga Al Udeid ee ku yaalla Qatar.
Qatar waxay sii ogayd in weerar lagu qaadi doono saldhiggaas, waxaana la sheegay in ku dhowaad dhammaan gantaalladii lagu soo ganay saldhigga ay difaacyadu qabteen, sida uu sheegay Sarreeye Guuto Shayeq Misfer al-Hajri, taliye ku xigeenka ciidamada wadajirka ah ee Qatar.
Talaadadii, wasaaradda arrimaha dibedda ee Qatar ayaa u yeertay safiirka Iran u fadhiya Doha, balse ma aysan shaacin tallaabooyin ciqaabeed oo ka dhan ah Iran.
Nicholas Hopton, oo ahaa safiirkii Britain ee Qatar intii u dhaxeysay 2013 ilaa 2015, ayaa sheegay in sida degdegga ah ee dowladda Qatar ay u beddeshay mowqifkeeda ka jawaabidda weerarka una qaadatay dhexdhexaadinta, ay muujineyso in arrintaasi ahayd mid qorsheysan oo “si farsameysan loo agaasimay.”
Iyadoo Qatar iyo dalalka kale ee Khaliijka ay labadii toddobaad ee lasoo dhaafay ka walaacsanaayeen dagaalka Israa’iil iyo Iran, waxay si gaar ah uga baqayeen in xiisadda sii korortaa ay keeni karto in Iran ay beegsato kheyraadkooda muhiimka ah ee tamarta, taasoo dhaawici lahayd dakhliga ugu muhiimsan dhaqaalahooda.
Haddii dowladda Iran ay ku adkeysan lahayd inay beegsato askarta Mareykanka ee Khaliijka, waxay u aragtay saldhigga ku yaalla Qatar inuu yahay bartilmaameed aan sababi karin xiisad weyn, sidoo kalena aysan waxyeello badan gaarsiineyn xiriirka sii wanaagsanaanaya ee ay la leedahay qaar kamid ah wadamada Carabta ee Khaliijka.
Dalka qaniga ah ee Qatar ayaa xiriir wanaagsan la leh Iran marka loo eego inta badan wadamada kale ee Khaliijka, sidoo kalena waxay door muhiim ah ku lahayd dhexdhexaadinta Israa’iil iyo Xamaas, kooxda Falastiiniyiinta ee ay Iran taageerto, tan iyo markii dagaalka Gaza uu billowday Oktoobar 2023.
Haddii Iran ay weerari lahayd dal kale oo Khaliijka ka tirsan, waxay geli lahayd xaalad aad u murugsan.
Taliska Ciidanka Badda ee Mareykanka ee Shanaad (U.S. Navy’s Fifth Fleet) oo xaruntiisu tahay Baxrayn, iyo xarumaha shidaalka ee Sacuudiga ayaa noqon karay bartilmaameedyo kale. Hase yeeshee, xiriirka diblomaasiyadeed ee Iran ay dalalkaas kale la leedahay ayaa weli cusub, aadna u nugul.
Imaaraadka Carabta oo kamid ah saaxiibbada ganacsi ee ugu muhiimsan Iran, ayaa u ah marin muhiim ah oo ay Iran kaga gudubto cunaqabateynta Galbeedka. Gantaallo dul maraya magaalada Dubai ee Imaaraadka, waxay halis ku noqon lahaayeen xiriir muhiim ah oo Iran ay ku tiirsan tahay.
Saddex diblomaasi oo xog-ogaal ah balse magacooda qariyay ayaa sheegay in saraakiisha Qatar ay u galeen dowladda Iran arrin uu weydiistay maamulka Trump. Waxay sheegeen in Madaxweyne Trump uu Amiirka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani, ku wargeliyay in Israa’iil ay aqbashay hindisaha Mareykanka ee xabbad-joojinta.
Madaxweynuhu wuxuu ka codsaday Qatar inay Iran ku qanciso arrintaas. Ra’iisul wasaaraha Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman al-Thani, ayaa markaa kadib taleefan kula xiriiray madaxda Iran, isagoo ku qanciyay inay oggolaadaan xabbad-joojinta fiidkii dambe ee Isniinta.
Sarkaal sare oo Aqalka Cad ka tirsan, oo codsaday inaan magaciisa la shaacin, ayaa xaqiijiyay in Amiirka Qatar uu door muhiim ah ka qaatay wadahadallada xabbad-joojinta.
Xabbad-joojintu waxay dhaqan-gashay subaxnimadii hore ee Talaadada, iyadoo xaaladdu deggenayd illaa fiidnimadii Talaadada.
Nicholas Hopton wuxuu sheegay in sida Qatar ay u maareysay xaaladdan ay muujineyso sida ay muhiimadda gaarka ah u siiso xiriirka ay la leedahay Mareykanka.
“Trump wuxuu doonayay in xaaladda la qaboojiyo, Qatar-na waxay awood u lahayd inay arrintaas ka caawiso,” ayuu yiri Hopton.
Tiirka siyaasadda dibedda ee Qatar ayaa ah inay xiriir dhaw la yeelato Mareykanka, iyadoo inta badan mas’uuliyiinta dalkaasi ay ka faa’iideystaan fursadaha ay ugu caddeyn karaan dowladda Mareykanka inay yihiin xulufo muhiim u ah siyaasadda Mareykanka ee gobolka.
Maadaama ay Qatar leedahay ciidan yar, waxay ku tiirsan tahay Mareykanka dhanka ammaanka. Dalalka awoodda badan ee deriska la ah sida Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa marar badan qaata mowqifyo lid ku ah Qatar.