Maxaadan ogeyn oo hadda ka socda Saldhiga ay Turkida ka dhistay duleedka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in maanta oo sabti si rasmi ah loo daah furo Saldhiga ugu weyn Afrika ee dhawaan dowladda Turkiga ka dhistay duleedka magaalada Muqdisho.

Furitaanka Saldhiga ayaa waxaa ka qeybgali doona mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Somalia iyo Diplumaasiyiin ka socta Safaarada Turkiga ee Muqdisho.

Mas’uuliyiinta daah furi doona Saldhiga ayaa waxaa qeyb ka ah Taliyaha Guud ee Ciidamada dalka Turkiga iyo wefdi uu hogaaminayo oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Munaasabada furitaanka ayaa ka socota gudaha Saldhigga sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Saldhigan oo ah kan ugu weyn oo ay dowlada Turkiga ku leedahya Somalia, ayaa ku yaalla degaanka Jazeera ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, dhismaha Saldhiga ayaa bilowday Sanadkii 2015-tii waxaana lagu dhisay lacag ka badan 50 Milyan oo Dollar.

Geesta kale, Saraakiisha Turkiga ee gacanta ku haya amniga Saldhiga ayaa diiwaan galiyay ciidamo dhan Kun kuwaa oo tababara lagu siin doono Saldhiga.

Caasmada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com