Maxaadan ogeyn oo ka dhex socda magaalada Cadaado ee xarunta Galmudug?

Cadaado (Caasimada Online) – Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug ayaa waxaa ka socda ololo xoogan oo u dhexeeya Musharaxiinta u taagan qabashada Hogaanka maamulka.

Musharaxiinta ayaa la soo sheegayaa inay ku mashquulsan yihiin ku dhex milmida Xildhibaanada baarlamaanka ee la filaayo inay codeyn doonaan.

Musharaxiinta ayaa Xildhibaanada qaar u ballanqaadaya dejinta goobo amaan ah sida Hoteelada mudada lagu guda jiro doorashada Hogaamiyaha maamulka.

Musharaxiinta loolanka ku jira ayaa waxaa ugu cadcad Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo inta badan ololihiisa soo gunaanuday.

Axmed Fiqi ayaa la sheegay in iminka uu hal goob isugu geeyay Xildhibaanada uu ka dhaadhiciyay doorashadiisa, waxaana lasoo sheegayaa inuu heysto Seddex meelood laba meel iyo bar oo Xildhibaano ah.

Dowlada Federaalka ayaa si is xigxigta Galmudug uga dalbaneysa dib dhigida doorashada waxaana qorshaha lagu sheegay inay garab boodeyso Maamulka Ahlusun Wal-jameeca oo Musharaxiin ku yeelan doona doorashada.

Si dhaba looma oga waxa uu yahay qorshaha DFS ee ku aadan doorashada Galmudug, inkastoo ay ku andacooneyso heshiisiinta Galmudug iyo Ahlusuna.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com