Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo naga soo gaaray Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Habeenimadii xalay uu halkaasi ka dhacay kulan heer sare oo u dhexeeyay Madaxweyne Xasan, R/W CCC, Gudoomiyaha BF, Xildhibaano iyo Wasiiro la dhacay Xukuumadii C/weli balse ka mid ah BF.
Ujeedka kulanka ayaa waxaa lagu sheegay inuu ahaa mid lagu soo afjaraayay kulamadii sida is daba jooga ahaa uga socday maalmahaani Xarunta Madaxtooyada, islamarkaana looga arrinsanaayay ansixinta Ra’isul wasaaraha Cusub ee Somalia oo maanta hortagi doono Golaha Shacabka.
Kulanka ayaa waxa uu ahaa mid socday ilaa Saacad iyo Bar waxaana lagu gorfeeyay natiijada maanta kasoo bixi kara BF Somalia oo looga fadhiyo inay cod aqlabiyad ah ku ansixiyaan Ra’isul wasaaraha Cusub CCC Sharmaarke.
Inta uu kulanka socday ayaa waxa ay madaxdaasi Gudoomiyaha BF Maxamed Cusumaan Jawaari u wakiisheen hirgalinta Xukuumada Cusub oo iyadu ka feejigan inay caqabad kala kulanto Xildhibaanada qaar oo iyagu kasoo horjeeda Xukuumada.
Gudoomiyaha BF Jawaari ayaa waxa uu goobta ku balan qaaday inuu xooga saari doono ansixinta R/W CCC, waxaana sidoo kale isla kulanka lagu doortay ilaa Lix Xildhibaan oo iyagu dhex gala Xildhibaanada la horgeyn doono Ra’isul wasaaraha si ay u indha indheeyan kuwa aan u jilicsaneyn Xukuumada Cusub.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

