26.6 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

Maxamed Salaad, Muuse iyo Maxamed Cabdulqaadir oo Mareykanka lagu xiray ayagoo u socda Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Grand Rapids (Caasimada Online) – Dacwad oogayaal federal ayaa sheegay in saddex nin oo degan gobolka Michigan lagu soo oogay dacwad ku saabsan inay shirqoolayeen inay qalab ku taageeraan kooxda Daacish.

Waxa ay sheegeen in FBI-da ay Isniintii xirtay Muse Abdikadir Muse, Mohamud Abdikadir Muse iyo Mohamed Salat Haji, waxaana dadkan oo degan magaalada Lansing kiis dacwaeedkooda la diiwaan geliyey talaadadii.

Dacwad oogayaasha waxay ay sheegeen in dhammaan saddexda eedeysane ay yihiin muwaadiniin qaatay dhalashada Mareykanka oo ku dhashay dalka Kenya.

Weli ma cadda in Muse Abdikadir Muse iyo Mohamud Abdikadir Muse ay walaalo yihiin iyo in kale.

Waraaqaha lagu qoray dacwadooda ayaa muujinaya Muse Abdikadir Muse uu horaantii bishan goostay tikit diyaarad oo uu ku aadi lahaa magaalada Muqdisho, isaga oo ka baxaya magaalada Grand Rapids.

Mohamed Salat Haji iyo Mohamud Abdikadir Muse ayaa la sheegay in ayagana ay ku gacan siiyeen Muse Abdikadir soo iibsashada tikit-ka una kaxeeyeen garoonka diyaaradaha Gerald R. Ford International Airport ee magaalada Grand Rapids.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News