Maxay beesha caalamka ka tiri safarada XASAN SHEEKH?

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii kulan ka yeeshay xaaladda Soomaaliya, kaas oo diirada lagu saaray, arrimaha amniga, abaaraha daran ee ka jira dalka iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Kulanka ayaa waxaa warbixin looga dhageystay ergeyga gaarka ah ee xoghahaya guud ee QM u qaabilsan Somalia, James Swan oo golaha faahfaahin ka siiyey arrimaha soo kordhay.

Swan ayaa shaaca ka qaaday in haatan xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ay tahay mid deggan, kuna habboon in wax laga qabto arrimaha mudnaanta u leh dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu khudbaddiisa ku soo qaaday safaradii uu galay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo boggaadiyey dadaalka uu geliyey xiriirka arrimaha dibadda.

“Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu booqashooyin badan oo dibadda ah ku tagay dalalka deriska ah iyo kuwa bahwadaagga kale oo muhiim ah oo dano laba geesood ah kala dhexeeyaan,” ayuu khudbaddiisa ku yiri Mr. James Swan.

Wakiilka QM ayaa sidoo kale intaasi kusii daray inuu ku boorinayo dowladda inay sii wado dadaalkeeda, si loo xaqiijiyo xiriir wanaagsan oo dhex mara Soomaaliya iyo caalamka.

“Waxa aan soo dhaweynayaa hindisihiisa si loo xaqiijiyo xiriir dhow oo lala yeesho dhammaan, xitaa dalalka uu xiriirka lala lahaa uu hore u xumaa. Waxaan ku boorrinayaa in ay tani sii socoto gaar ahaan kuwa deriska ah ee gobolka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday ammaanka dalka, isaga oo shaaciyey in dowladda cusub ay muhiimadda ugu weyn siisay amniga iyo sidii wax looga qaban lahaa.

“Maamulka cusub ee Soomaaliya ayaa ahmiyadda koowaad ee uu leeyahay u aqoonsaday amniga” ayuu markale khudbaddiisa ku yiri, James Swan.

Ugu dambeyn wuxuu soo hadal qaaday arrimaha bani’aadanimo, isaga oo sheegay in xaalado halis ah wajahayaan qoysas badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo ay saameyn ku yeelatay abaarta dalka oo haatan la saadaaliyey inay ka dhalan karto xaalad macluul ah.