28.2 C
Mogadishu
Monday, November 10, 2025

Maxay Culimada Soomaaliyeed ka tiri dilalka foosha xun ee soo kordhay?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa si kulul uga hadlay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee argagaxa lahaa ee ka dhacay qaar kamid ah gobollada dalka, kuwaas oo sii huriyay colaad beeleeyada ka taagan qaybo kamid ah dalka.

Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Wajiis) oo kamid ah golaha sare ee Culimada ayaa wareysi uu siiyay Telefishinka Qaranka uga hadlay dilalka foosha xun ee ka dhacay aagga degmada Wanlaweyn iyo qaybo kamid ah gobollada dhexe ee dalka, isaga oo cambaareeyay falalkaasi.

Cali Wajiis ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin deg-deg ah oo looga hortegayo in si micno darro ah loo laayo dad Muslimiin ah oo aan waxba galabsan.

“Runtii dhacdooyinka aadka foosha xun ee beryahan iska soo daba dhacayay oo kuwii ugu dambeeyay shalay ka dhacay, illaa maantana waxyaala kale oo daba socda ay ka dhacaayaan degmada Wanlaweyn iyo kuwa isbuucii hore ka dhacay gobollada dhexe dhammaan waa acmaal jaahiliya” ayuu wareysiga ku yiri Sheekh Cali Wajiis.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dambi kale oo wayn ay tahay in qof Muslim ah oo aan gaysan wax dhibaato ah la baneysto dhiigiisa, loona dilo aano qabiil darteed.

“Waxaa dambi labaad sii ah dilkana sii wehliya haddii waxa qofka loo dilaayo ay tahay isagoo weliba bari ah inuu reer hebel yahay ama deegaan loo beegsado” ayuu sii raaciyay.

Dhankeeda Sheekh Faadumo Caale ayaa iyana si adag uga hadashay dhacdooyinkan, waxayna tilmaamay in wax laga xumaado ay tahay in la laayo dad masaakin ah.

Faadumo ayaa soo hadal qaaday ninkii lagu gubay Wanlaweyn, iyada oo xustay in falkaas oo uu ahaa mid ka baxsan bani’aadanimada iyo islaanimada.

“Ma aqanao waxay soo kordhineyso inaan Masaajida ka wacdino, Islaam-nimada aan sheeganeyno ma waxay mareysaa inaan nolosha isku gubno oo ilmaha waayeelka iyo haweenka isaga aarsano xitaa dadkaas dilkooda ma banaano marka jihaadka lagu jiro” ayay iyana tiri Sheekh Faadumo Caadle.

- Advertisement -

Read more

Local News