27.4 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Maxay Ilhaan Cumar ka tiri weerarka Mareykanka uu xalay ku qaaday IRAN?

Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Congress-ka Mareykanka ayaa si adag uga hadashay weerarka culus ee Mareykanku ku qaaday Iran, kadib markii ciidamada Mareykanka ay duqeeyeen saddex goobood oo Nukliyeer oo ku yaalla dalkaasi.

Ilhaan Cumar ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamtay in Mareykanku si toos ah ugu biiro dagaalka Bariga Dhexe, waxayna tilmaantay in tallaabadaasi halis weyn ku tahay gobolka oo dhan.

Sidoo kale, waxay intaasi ku dartay in tallaabadan aan fasax looga qaadan Congress-ka, isla markaana cawaaqib xumada ka dhalata uu qaadi doono Madaxweyne Trump.

“Weerarkii Iran ee uu amray Trump isagoo aan fasax ka haysan Congress-ka wuxuu calaamad u yahay khatar weyn oo ka jirta gobolka Bariga Dhexe. Waxa uu sii kordhinayaa colaadda; weerarada ciidamada nabad ma keenayaan, kaliya waxay sii hurinayaan rabshadaha socda, waxayna qalqal gelinayaan gobolka oo dhan,” ayay tiri Ilhaan Cumar.

Ilhaan ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in weerarradan tooska ah ay halis gelinayaan ciidamada Mareykanka iyo dadka rayidka ah, loona baahan yahay in si degdeg ah looga hortago.

“Weeraradan waxay halis gelinayaan ciidamada Mareykanka iyo dadka rayidka ah. Shacabka Mareykanka waxay ka daaleen dagaal aan dhammaad lahayn. Waxaan u baahanahay inaan joojino waalidan, ka hor inta aanan lumin dad badan,” ayay raacisay.

Waxay ugu baaqday Golaha Congress-ka in la yeesho fadhi degdeg ah oo lagaga doodo xaaladda Bariga Dhexe, si si degdeg ah loo joojiyo colaadda kasii dareysa.

Ujeedada ugu weyn ee Mareykanku uga qeybgalayo dagaalkan ayaa ah inuu xoojiyo dadaalka Israel ee lagu doonayo in lagu curyaamiyo barnaamijka nukliyeerka ee dalka Iran.

Trump oo ka hadlayay weerarkan ayaa sheegay in la adeegsaday diyaaradaha qarsoon ee B-2 (B-2 Stealth Bombers), balse ma uusan caddayn noocyada bambooyinka la isticmaalay. Aqalka Cad iyo Pentagon-ka ayaan isla markiiba faahfaahin ka bixin hawlgalka.

“Tani waa waqti taariikhi ah oo u ah Mareykanka, Israa’iil, iyo guud ahaan dunida. Iiraan waa inay hadda oggolaataa inay dagaalkan dhammayso. Mahadsanid!” ayuu ku qoray barta Truth Social.

Duqeymahan waa go’aan halis ku ah Mareykanka, maadaama Iran ay ballanqaadday inay aargudan doonto haddii uu Mareykanku si buuxda ugu biiro weerarka Israel. Sidoo kale, shakhsiyan wuxuu khatar ugu jiraa Trump, maadaama uu horey ugu guuleystay Aqalka Cad isagoo ballanqaaday in uu Mareykanka ka ilaaliyo khilaafaadka dibadda ee kharashka badan, isla markaana uu quursaday qiimaha faragelinta Mareykanka.

- Advertisement -

Read more

Local News