Muqdisho (Caasimada Online)-Doorashada maanta ka dhaceysa magaalada Garowe ayaa kala cadeyn doonta awooda dowladda Soomaaliya ay ku yeelan karto maamulada dalka iyo in laga guuleysan doono.
Doorashada maanta waxaa dadka loogu hadal heynta badan yahay ay yihiin kuwo taageero ka helaya dowladda Soomaaliya iyo kuwo deegaanada Puntland laga taageersan yahay.
Musharax Eng Khaliif Xasan Jabiye oo taageero ka helaya dowladda Soomaaliya ayaa ah shaqsiyaadka doorashada loogu hadal heynta badan yahay, waxaana loolanka kula jira Musharax Saciid Cabdullaahi Deni.
Wararka aan ka heleyno magaalada Garowe ayaa sheegaya in taageerada dowladda Soomaaliya ay u weecatay dhanka Eng Jabiye Galinkii dambe ee shalay, kadib markii ay dhinacyo badan ka fakareen.
Haddii doorashada uu kusoo baxo Eng Jabiye waxay ka dhigan tahay in dowladda Soomaaliya ay heleyso taageerada ugu badan ee dowlad goboleedyada, waxaana Puntland ay noqoneysaa maamulka Afaraad ee dhanka Dowladda soo mara.
“Maanta ama Nabad iyo Nolol ayaa guuleysanaysa ama reer Puntland ayaa guuleysanaya”sidaasi waxaa Caasimada Online u sheegay mid kamid ah dadka aad ugu dhow musharixiinta loogu hadal heynta badan.
Haddii Musharax Deni uu ku guuleysto doorashada maanta waxay ka dhignaan doontaa in dhanka N&N looga guuleystay doorashada maanta.
La soco dorashada Puntland
Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]