27.9 C
Mogadishu
Tuesday, February 3, 2026

Arrimaha ay ka wada-hadleen Xamza iyo wafdiga ka socday Turkiga + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo uu hoggaaminayo Agaasimaha waaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Amb. Ali Onaner.

Kulankan oo sidoo kale uu qeyb ka ahaa Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya, Amb. Alper Aktaş ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Intii kulanka socday waxaa si gaar ah diirada loo saaray iskaashiga dhinacyada amniga, iyo la-dagaallanka argagixisada, si loo xaqiijiyo xasilloonida dalka iyo guud ahaan gobolka.

Ra’iisul Wasaaraha Xamza ayaa uga mahad-celiyay dowladda iyo shacabka Turkiga taageerada hagar-la’aanta ah ee ay mar walba la garab taagan yihiin Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu xusay in Turkigu yahay saaxiib istiraatiiji ah oo door muuqda ka qaatay taageerada dhanka amniga, ilaalinta midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dhankiisa Amb. Ali Onaner, oo ka mahadceliyay qaabiladda Ra’iisul Wasaaraha, ayaa adkeeyay in dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Turkiga ay mar walba garab taaganyihiin dowladda Soomaaliya, ayna sii xoojinayaan xiriirka wada-shaqayneed ee labada dowladood.

Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan, iyagoo leh iskaashi milatari oo ballaaran, kaas oo diiradda saaraya sugidda amniga, tayeynta ciidamada ammaanka, tababarka cutubyo cusub iyo arrimo kale oo la xiriira dhinaca milatariga.

- Advertisement -

Read more

Local News