25.8 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Maxay doorashooyinka 2012 iyo 2016 ku kala duwan yihiin?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dad badan oo siyaasiyiin ah ayaa ka hadlay dhaqdhaqaaqa doorashooyinka sanadkaan la filayo iney ka dhacaan dalka Soomaaliya, waxaana ay siyaasiyiin badan ay ka hadleen waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin doorashooyinkii 2012 dalka ka dhacay iyo kuwa afar sano kadib dhacaya.

Maxamed Maxamuud Nuur, oo kamid ah diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa isbarbar dhig ku sameeyay dhaqaalaha, amaanka iyo farqiga u dhaxeeya doorashooyinka sanadkaan ka dhacaya dalka iyo kuwii dhacay 2012.

Maxamed Maxamuud, ayaa rajo xumo ka muujiyay waqtiga u harsan hayadaha dowlada iyo jaangoyn la’aanta ka jirta nidaamka doorashada dalka, isago sheegay in sidii la qorsheynayay aysan u dhici doonin doorashada sanadkaan.

Mr Maxamed Ow-Caalim, ayaa sheegay in waxyaabaha la fileysanayay ay kamid ahaayeen in doorashooyinka sanadkaan ka duwanaadaan kuwii hore, balse ilaa iyo haatan aan la heyn xitaa qaabka doorashada oo si sax ah la iskugu raacay.

Hoos ka dhageyso wareysiga.

[su_audio url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/05/2012-2016.mp3″]

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News