25.7 C
Mogadishu
Tuesday, October 21, 2025

Maxay Madasha Samatabixinta ka tiri jabka ku dhacay xubnihii la heshiiyay Xasan?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ee mucaaradka ayaa ka hadashay is hortaaggii maanta lagu sameeyay qaar kamid ah xubnihii isaga baxay Madasha, xilli ay ku wajahnaayeen magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xubnahaas oo ay hoggaaminayeen Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa loo diiday inay u duulaan garoonka Baydhaba, sababa la xiriira khilaafka siyaasadeed ee weli kala dhexeeya Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

Syaasiyintan loo diiday Koonfur Galbeed ayaa  qorshahooda uu ahaa in ay halkaasi ka bilaaban ololahooda doorashooyinka qof iyo codka ee ay kula heshiiyeen Dowladda Federaalka, waxaase ka horyimid safarkooda maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Laftagareen

Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caananuug) oo ka tirsan Madasha Samatabixinta ayaa wareysi uu siiyay Somali Cable Tv uga hadlay jabka ku dhacay xubnaha la heshiiyay Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna sheegay inay ku fududaadeen go’aankooda, ayna iska tageen, iyada oo aan la xaqiijin hadafka loo dhisay Madasha Samatabixinta.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in maanta ay haysato xaalad adag, isla markaana bixidooda aanay sameyn ku yeelan isbaheysiga mucaaradka, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxa ay u baxeen waxa ahayd uun rag taleefoonnada laga qaban waayay oo rabay inay Madasha ku dhex tahriibaan, maanta ayayse hayaan waxa ay u baxeen” ayuu yiri Caananuug.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Tegitaankood Madasha wax saameyn ah kuma yeelan, balse faa’iido ayay u ahayd rag badan oo aan aamini lahayn ayaa kusoo biiray oo Jubbaland iyo Puntland ayaa kamid ah iyo rag kale oo odayaal ah”.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in markii horeba been loo sheegay, isla markaana ay maanta kusoo dhaceen meel cidlo ah, oo ay soo caban doonaan.

“Beentii Villa Somalia lagu haayay iyo indho sar-caadintii bey run moodeen hillaac been ah ayaa u baxay maanta maalin aan ahayn ayayna ka sheekeynayaan, waana arki doontaan iyaga oo cabaanayao oo Tv-yada taagan” ayuu mar kale yiri Xildhibaan Caananuug.

Si kastaba, Maalmo ka hor ayey ahayd markii ilaa saddex xisbi siyaasadeed ay ka bexeen garabka Dowladda Federaalka, lana safteen mucaaridka, iyaga oo dowladda Xasan Sheekh ku eedeeyay in aysan daacad ka ahyn doorashooyinka.

- Advertisement -

Read more

Local News