Maxay PUNTLAND ka tiri hadalkii kasoo baxay ninka maqan ee dilka lagu xukumay?

Boosaaso (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda ciidamada Puntland Gaashaanle Maxamed Xuseen Axmed ayaa war cusub kasoo saaray xukunka dilka ah oo isaga oo maqane ah lagu ridday Cabdiraxmaan Shirwac Aw-siciid (Laahoor), kaas oo mar dambe soo hadlay, isla-maraakana beeniyey inuu ka tirsan yahay kooxda Al-Shabaab.

Laahoor oo wareysi siiyey VOA-da, isaga oo ku sugan dhulka miyiga ee gobolka Bari ayaa iska fogeeyey eedeynta loo jeediyey, wuxuuna shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay inuu hor yimaado hay’adaha garsoorka, gaar ahaan maxkamaddii xukuntay, si uu uga gar-baxo.

“Waxaan ahay nin shacab ah oo lagu xukumay dil, cadaalad xumo ayaa la igula kacay, waxaan u dhashay gobollada Puntland, kama mid ihi Al-Shabaab iyo Daacish, si toos ah iyo si dabdab midna ulama shaqeeyo, banaanka ayaan ka ahay,” ayuu wareysia ku yiri Laahoor.

Xeer ilaaliyaha oo arrintaasi ka hadlayey ayaa dhankiisa sheegay in Cabdiraxmaan Laahoor uu yahay dambiile, isla-markaana ay hayaan caddeymo iyo marqaatiyeyaal.

Gaashaanle Maxamed Xuseen Axmed ayaa xusay in markii lasoo qabtay shabakaddii uu hoggaaminayey uu u baxsaday deegaanada ay Daacish ka joogaan gobolka Bari.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in illaa saddex jeer oo hore la xiray, balse ay sii deyntiisa ka dambeeyeen odayaal dhaqameed ku difaacayey qabiil, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay, haddii uusan dambi laheyn inuu yimaado Boosaaso, isla-markaana uu iska difaaco eedaha loo heysto ee ah inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhawaan maxkamadda ciidamada Puntland ay toogasho ku xukuntay 5 nin oo uu ku jiro Laahoor oo maqane ah, kadib markii ay sheegtay inay ku heshay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, ayna weeraro ka geysteen Boosaaso.