28.9 C
Mogadishu
Saturday, June 14, 2025

Maxay sameeyeen sirdoonka Israa’iil ee Mossad ka-hor weerarkii lagu qaaday IRAN?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Tehran (Caasimada Online) – Weerarkii baaxadda lahaa ee Israa’iil ku qaaday Iran xalay wuxuu ka mid ahaa duqeymaha ugu ballaaran ee dhanka hawada ee taariikhda dhow. Waxaana sal u ahaa qorshe qarsoodi ah oo sanado badan la diyaarinayay, kaasoo ay ku lug lahaayeen dabagal, sirdoon, iyo khalkhalin ay fuliyeen hay’adaha sirdoonka Israa’iil.

Si weerarkaasi u hirgalo, Israa’iil waxay u baahneyd xog faahfaahsan oo ku saabsan halka ay joogaan iyo dhaqdhaqaaqa saraakiisha iyo saynisyahannada, kuwaas oo ugu yaraan afar ka mid ah ay kamid ahaayeen heerarka ugu sarreeya ee taliska ciidamada.

Howlgalka waxaa aad loola kaashaday hay’adda sirdoonka milatari ee Israa’iil iyo Mossad.

Aroonimadii hore ee Jimcaha, tobannaan diyaaradood oo dagaal ah ayaa beegsaday bartilmaameedyo nukliyeer iyo milatari oo ku kala yaalla guud ahaan Iran. Laakiin aasaaska weerarkaasi waxaa si taxaddar leh horey u dhigay wakiillo ka tirsan Mossad oo si dhow ula shaqeynayay ciidamada Israa’iil.

Howlgalkan oo loo bixiyay magaca sirta ah “Am Kelavi” (Libaxa Soo Kacaya), wuxuu ahaa duullaan qorsheysan oo Israel ay sheegtay in ay uga hortageyso weerar Iran, waxaana lagu fuliyay iskaashi aan horay loo arag oo dhex maray ciidamada cirka Israa’iil, laanta sirdoonka ciidamada (Aman), Mossad, iyo warshadaha difaaca Israel. Sanado badan ayay garbaha isugu hayeen sidii ay u heli lahaayeen xog sirdoon oo dhammeystiran oo ku saabsan bartilmaameedyada ugu nugul ee nukliyeerka iyo milatariga Iran.

Sarkaal sare oo katirsan hay’adaha amniga Israa’iil ayaa u sheegay Fox News:
“Mossad waxay la shaqeynaysay tiro aad u badan oo wakiillo ah — kumannaan basaas oo si qoto dheer ugu jiray gudaha Iran, kuwaasoo gaaray heerar sirdoon oo aan la qiyaasi karin. Qaar badan oo ka mid ah waxaa dib loogu tababaray dagaalyahanno si ay u fuliyaan howlgallo xasaasi ah.”

Sarkaalkaasi wuxuu sheegay in shaqadaasi ugu dambeyn keentay weerar saddex waji ah:
“Waxaan burburinay qaybo badan oo ka mid ah kaabayaasha gantaallada dhulka-dhulka iyo dhulka-cirka Iran, waxaan dilnay tiro badan oo saynisyahanno sare ah, sidoo kale waxaan burburinay qeybo muhiim ah oo ka tirsan nidaamyadooda difaaca cirka.”

“Waxaan gudaha Iran ka dhisnay saldhig diyaarado aan duuliye lahayn leh. Markii waqtigu eber gaaray, wakiillo katirsan Mossad ayaa ka soo saaray diyaaradahaas meelihii lagu qariyay. Waxaan gantaallo sax ah ku rakibnay gaadiid fara badan, sidoo kalena gantaallo kale ayaan ku aasnay dhagxaan. Dhammaan nidaamkan ayaan si isku mid ah u howlgelinay iyadoo lala socodsiinayo weerarka ciidanka cirka.”

Diyaaradaha dagaalka Israa’iil waxay si isku mar ah u weerareen tobannaan xarumood, oo ay kamid ahayd xarunta ugu weyn ee kobcinta uranium-ka Iran ee Natanz. Xaruntaas, oo 1,500 km u jirta xuduudaha Israa’iil, ayaa muddo dheer ahayd laf-dhabarta barnaamijka nukliyeerka Iran.

Afhayeenka ciidamada Israa’iil, Sareeye Guuto Effie Defrin, ayaa ku tilmaamay inay tahay xarun dhulka hoostiisa laga dhisay oo leh dhismayaal badan oo centrifuge ah iyo kaabayaal koronto.

Avner Golov, ku-xigeenka machadka fikirka Mind Israel, ayaa u sheegay Fox News:
“Guusha ugu weyn waxay ahayd beegsiga xarunta Natanz iyo in la baabi’iyo jawaabtii ugu horreysay ee Iran — weerarkoodii tooska ahaa.”

“Waxaan meesha ka saarnay tallaabadoodii furitaanka — gantaalladii si toos ah loo bilaabi lahaa iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee durba hawada kusoo jiray. Laakiin in saynisyahannada sare la beegsaday — taas ayaa ahayd guusha dhabta ah.”

Balse duqeymaha cirka ka sokow, ilo sirdoon oo Israa’iili ah ayaa shaaciyay in hawlgal sirdoon oo baaxad weyn iyo lug gooyo ah uu si isku mar ah uga socday gudaha Iran. Sarkaal sare oo hore u soo qabtay xil ayaa yiri: “Waxay ahayd hawlgal sirdoon gudaha ah oo aad u qallafsan — heer aan horey loo arag.”

“Waxay heleen xarunta dhexe ee taliska Ciidanka Cirka Iran. Dhammaan taliyaasha ayaa hal meel isugu yimid, waxaana lagu dilay waqtiga dhabta ah.”

Sida uu sheegay sarkaalkani, Iran waxay u qorsheysay dhoolatus ay ugu talagashay muujinta awood ciidan, taas oo keentay in saraakiisha ugu sarreeya hal meel lagu kulmiyo — taasoo, ugu dambeyn, noqotay meel la beegsaday.

“Qeyb ahaan waa nasiib, balse sidoo kale waa qorshe la diyaariyay — awoodda ah in lagu arko waqtiga dhabta ah lana beegsado si sax ah. Waxay dib u xasuusinaysaa wixii ka dhacay Lubnaan — sidii madax sumowday loo beegsaday iyadoo la adeegsanayo sirdoon qalliin ahaan loo diyaariyey.”

Howlgalkii Lubnaan, oo loo yaqaanno “howlgalkii pagers,” Israa’iil waxay si qarsoodi ah ugu gashay shabakadda isgaarsiinta Hezbollah iyadoo adeegsatay qalab Shiinees ah oo wax qarxa lagu aasay.

Mossad waxay gudaha Iran si qarsoodi ah ugu soo gelisay hub casri ah, oo lagu aasay gaadiid u dhow bartilmaameedyada istiraatiijiga ah. Bartamaha Iran, hub sax ah ayaa lagu dhigay meel u dhow nidaamyada difaaca cirka, waxaana lagu toogtay amar.

Gaadiid si gaar ah loo farsameeyay ayaa sidoo kale loo adeegsaday burburinta nidaamka difaaca Iran waqtiga la weerarayay. Dhinaca kale, diyaarado wax qarxa sida oo lagu diyaariyay agagaarka Tehran ayaa lagu howlgeliyay si ay u burburiyaan gantaallada ridada-dheer ee ku yaalla saldhigga Esfajabad.

Dhammaan hawlgalladan waxay ku dhaceen iyadoo ay jirto joogitaanka hay’adaha sirdoonka Iran — mana aysan ogaan.

Mas’uuliyiinta difaaca Israa’iil waxay sheegeen in howlgalkan uu yahay mid ka mid ah kuwa ugu guusha badan ee is-dhexgalka sirdoonka iyo milatariga ee taariikhda Israel.

Nidaamka sirdoonka Israa’iil ayaa sanadoyinkii u dambeeyay ka dhex muuqday hawlgallo taxane ah oo lagu bartilmaameedsanayo Iran iyo kooxo wakiil uga ah gobolka.

Sanadkii 2020, Israa’iil waxay dileen saynisyahankii hormuudka u ahaa barnaamijka nukliyeerka Iran, Mohsen Fakhrizadeh, iyadoo adeegsanaysa qori laga hago meel fogaan, waxayna gacan ka gaysatay duqayntii Mareykanku ku dilay taliyihii sirdoonka iyo ammaanka Iran, Janaraal Qassim Suleimani, isla sanadkaa.

Sannadkii 2022, laba nin oo mootooyin wata ayaa toogasho ku dilay Col. Sayad Khodayee, oo kamid ahaa Ilaalada Kacaanka Iran; Israa’iil waxay doorkeeda dilkaas u xaqiijisay dowladda Mareykanka.

Sannadkii hore, Israa’iil waxay ku dishay Ismail Haniyeh, madaxa siyaasadda Xamaas, qarax la dhigay meel martida la dejiyo oo ay maamulaan Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee ku taalla Tehran.

Sidoo kale, Israa’iil waxay si qoto dheer ugu dhex milantay kooxda ugu awoodda badan ee Iran taageerto ee Hezbollah, taasoo dhalisay weerarro xiriir ah sannadkan 2024. Bishii September, waxay si isku dubaridan u beegsatay xubno katirsan maleeshiyada iyadoo adeegsanaysa qalab isgaarsiineed sida ‘pager’, waxayna dishay tobannaan qof, halka ay dhaawacyo ka soo gaareen kumannaan kale.

Israa’iil waxay sidoo kale ku guulaysatay inay si buuxda u gasho isgaarsiinta kooxda, taasoo keentay duqeymo hawada ah isla bishaas lagu dilay hoggaamiyihii Hezbollah, Hassan Nasrallah.

Weerarkii Jimcaha, Israa’iil waxay beegsatay xarumaha nukliyeerka Iran, difaacyada cirka, nidaamyada gantaalaha, iyo bakhaarro kayd. Inkastoo heerka khasaaraha uusan si buuxda u cadaan, ciidamada Israa’iil waxay sheegeen inay garaaceen xarunta ugu weyn ee taya-nukliyeerka Iran ee Natanz.

- Advertisement -

Read more

Local News