Maxay SOOMAALIYA ka faa’iiday heshiiska KENYA?

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Villa Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar oo wareysi siiyey BBC ayaa faah-faahin ka bixiyey heshiiska cusub ee ay wada gaareen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan faa’iidada ugu jirto Soomaaliya.

Cabdikariin Cali Kaar ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay wax badan ka faa’iiday heshiiskan, isla-markaana ay tahay tallaabo horey loo qaaday.

“Waxaa Soomaaliya ay ka faa’iiday Kenya iyo Soomaaliya aadbey isugu saabsan yihiin waa laba dal oo taariikh qoto dheer ay ka dhexeyso oo dad, duunyo iyo dhulba leh,” ayuu yiri.

Afhayeenka ayaa xusay in waxyaabaha kale heshiiskan ay Soomaaliya ka faa’iiday ay ugu muhiimsan tahay inay xasilooni iyo badqab ku noolaadaan shacabka Soomaaliyeed ee deggan xuduuda labada dal, iyaga oo ganacsina ay is dhaafsan doonaan labada dhinac.

“Waxa ugu weyn ee heshiiskaas kasoo baxay waxaa weeyaan dadka Soomaaliyeed xuduudada labada dhinac ku nool ee xasilooni, badqab iyo ganacsi intaba ka helaan Kenya, intaas ayaa ugu weyn wixii Soomaaliya ay ka faa’iiday,” ayuu sii raaciyey Cabdikariin Cali.

Arrinta qaadka ayuu sidoo kale soo hadal qaaday, wuxuuna tilmaamay in qiimaha ay Kenya ka heleyso qaadka ay iyaduna mid la mid ah Soomaaliya ka heli doonto kalluunka ay ku bedelatay, sida uu hadalka u dhigay.

“Soomaalia waxay qaadka ku beddeleysaa kalluunka oo aan oran karo Soomaaliya wuu ku baaraa waa la qaadayaa Kenyaa la keeni doonaa. Kenya waad ogtahay waa dal dad ahaan fara badan dhaqaale ahaana dadkiisu awood wax iibsi ay leeyihiin marka inta qaadka Kenya kasoo galeyso ayaa kalluunka naga soo galayo” ayuu yiri afhayeenka Villa Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu shaaca ka qaaday in sidoo kale dal ku-galka la fududeyn doono, isla-markaana uu qofka muwaadinka ah ku heli doono ugu yaraan 1 illaa 10 maalin.

“Baasaboorada caadiga ah ee dadka shacabka leeyihiin iyagana marka ay Online ku dalbadaan 10 maalmood gudahood ayey ku lehayaan marka aan ku leeyahay 10 maalmood waa ugu badnaan, ugu yaraana hal maalin,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey Mr. Kaar.

Soomaaliya iyo Kenya oo xiriirkoodu aad u hooseeyey sanadihii lasoo dhaafay ayaa hadda sare u kacay, kadib isbedelka siyaasadeed ee 15-kii May ee sanadkan 2022-ka ka dhacay magaalada Muqdisho oo markale dib loogu doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.