Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa hirgelinaya abaal-marin madaxweyne oo cusub oo lagu dhiirrigelinayo hal-abuurka teknoolajiyada ee dhalinyarada Somaliland.
Abaal-marintan oo lagu magacaabayo “Abaalmarinta madaxweynaha ee hal-abuurka Teknoolajiyada dhalinyarada Somaliland”, ayaa noqoneysa mid sanadle ah, sida lagu sheegay qoraal uu baahiyay telefishanka Somaliland.
Abaalmarinta ayuu madaxweynuhu ku maamuusaya dhalinyarada la timaadda hal-abuur dhinaca teknoolakiyada ah, sida barnaamijyo iyo kaabayaal teknoolajiyadeed oo daboolaya baahi jirta, ama shaqo fududaynaya, dedejinaya ama waxtarkeeda kordhinaya.
Abaalmarintan ayaa la sheegay inuu mutaysanayo qof kasta oo dhalinyaro ah oo kaalinta u sarraysa ka gala tartanka hal-abuurka dhalinyarada ee teknoolajiyada oo ay xukuumaddu sannadle u qabanayso.
“Waa hindse uu madaxweynuhu dhalinyarada ku dhiirrigelinayo barashada iyo ka faa’idaynta teknoolajiyadda, sidoo kalana ay dhalinyaradu ka helayso abaalmarin lacageed, si ay ficil ugu beddelaan hal-abuurkooda,” ayaa lagu yiri qoraalka ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda Somaliland.
Abaalmarintaan ayaa la filayaa in lagu soo bandhigo Carwada Teknoolajiyadda iyo Shirweynaha 7-aad ee ICT-ga Somaliland 2025 oo ah carwada ugu weyn ee teknoolajiyada Somaliland.
Carwadan ayaa lagu qabtaa Hargeysa, si loo xoojiyo isdhex-galka, hal-abuurka, iyo maalgashiga dhijitaalka ah ee Somaliland, iyadoo la filayo in 25 ilaa 31-ka bishaan uu Hargeysa ka qabsoomo shirkaan.
Tartanka hal-abuurka oo ay xukuumadda Somaliland qorsheyneyso in la qabto sannad kasta ayaa lagu dooran doonaa dhalinyarada leh fikrado cusub oo la taaban karo, kuwaas oo ku guuleysta abaalmarintaan.
Si kastaba, abaalmarintan ayaa noqoneysa tii ugu horreysay ee Somaliland ee uu madaxweynaha si gaar ah ugu maamuuso hal-abuurka dhallinyarada Somaliland, taasoo astaan u ah siyaasadda cusub ee xukuumadda ee lagu horumarinayo aqoonta, dijitaalka iyo hal-abuurka gudaha ah.

