25.5 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Maxay tahay digniinta lala wadaagay ciidanka Burundi ee ku sugan Somalia?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Guutada Ciidanka Burundi ee ku sugan Soomaaliya, G/Sare Oscar Hatungimana, ayaa soo gaba-gabeeyay socdaal shaqo oo uu ku tegay dhammaan saldhigyada Ciidanka Qaybta 5-aad ee qeyb ka ah howl-galka nabad ilaalinta ee AUSSOM.

Ujeeddada socdaalka taliyaha ayaa ahayd in la qiimeeyo xaaladda guud ee hawl-gallada, lana dhiirrigeliyo ciidamada, isla markaana lagu muujiyo taageerada joogtada ah ee Dowladda Burundi u hayso ciidamada BNDF ee ka howl-gala gudaha Soomaaliya.

Intii uu socdaalku socday, G/Sare Hatungimana wuxuu kulammo la yeeshay saraakiil iyo askar ka tirsan saldhigyada uu booqday. Wuxuu si gaar ah u ammaanay dadaalka, adkeysiga iyo xirfadda ay muujiyeen, isagoo la wadaagay digniin amni.

Taliyaha oo dhiirrigelin u muujiyay howl-galka ay wadaan ciidamadan ayaa wuxuu la wadaagay muhiimadda ay leedahay feejignaanta joogtada ah si looga hortago khataraha kooxda Al-Shabaab, isagoo ku baraarujiyay ciidamada in ay sii xoojiyaan heeganka iyo u diyaar garowga hawl-galladooda.

Wuxuu sidoo kale xusay in anshaxa iyo xirfadlaha ciidan uu yahay tiir muhiim u ah adeeg hufan oo loo fidiyo bulshada, wuxuuna carrabka ku dhuftay muhiimadda ay leedahay u hoggaansanaanta xeerarka caalamiga ah ee aadannimada iyo ilaalinta xuquuqda bini’aadamka.

G/Sare Hatungimana wuxuu ku bogaadiyay ciidamada sida ay uga go’an tahay ilaalinta nabadda iyo u adeegidda shacabka Soomaaliyeed, isagoo muujiyay in ixtiraamku iyo masuuliyaddu ay laf-dhabar u yihiin guusha howl-galka nabad ilaalinta.

Si kastaba, digniintan lala wadaagay ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howl-galka AUSSOM ayaa imanaysa xilli ay kooxda Al-Shabaab kordhisay weerarradeeda, isla markaana ay sameysay soo rogaal celin xooggan.

- Advertisement -

Read more

Local News