Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qayb kamid ah hadal jeedintiisa farriin culus ugu diray madaxda Somaliland iyo shacabka maamulkaasi.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah farriintiisa ugu socod siiyay Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, wuxuu ugu baaqay inuu ka fiirsado xiriirka Israa’iil oo haatan u aqoonsatay dal madax banaan.
“Waxaan leeyahay madaxda Somaliland oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro shacbaka Gobollada Waqooyi jiha qaldan ha u rarina hana u horseedina masiir qaldan, walaalayaal meeshaas waddo la mahdiyo idin kama jirto ee ha u jeesanina” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa baaq u diray shacabka Somaliland oo uu sheegay inay yihiin dad wanaag iyo Soomaalinimada jecel, wuxuuna ka codsaday in aysan ku kadsoomin arrinta Isra’aaiil, ayna iska diidaan.
“Walaalaha waqooyigow maanta waxaa haysataan fursad iyo awood aad ku diidaan in lasoo dago dalkiina, laakiin ogaad beri ma haysan doontaan fursaddaas marka uu cadowga dhulkiina dago oo uu isu fidiyo” ayuu raaciyay.
Waxaa kale oo uu Madaxweynuhu intaasi ku daray in weli mowqifka Soomaaliya uu sidiisii yahay, isla markaana ay diyaar u tahay in wax weliba oo tabasho ah lagu dhammeeyo miiska wada-hadalka, si loo soo afjaro xiisadda.
“Waxaan mar kale ku celinayaa oo aan xasuusinayaa walaalaha waqooyiga iyo caalamka in mowqifka dowladda Soomaaliya aanay wax iska beddalin, iskana beddali doonin, kaas oo ah in wada-hadal macno leh lala galo maamulka Somaliland, si midnimada loo xoojiyo is faham-waaga jirana meesha looga saaro”. ayuu mar kale yiri Madaxweynuhu.
Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliyeed iyo shacabkeeda ay u istaagi doonaan tallaabo kasta oo ay ku difaacayaan madax banaanidooda, si looga hortago xadgudubka Israa’iil.
“Soomaaliya waxaa ka go’an inay qaado tallaabo kasto oo diblumaasiyadeed iyo qaanuun oo lagama maarmaan ah si ay u difaacdo madax banaanideeda midnimadeeda iyo xuduudaheeda ee uu caalamka aqoonsan yahay” ayuu kusii daray khudbaddiisa.

