25.6 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Maxay tahay sababta Eritrea ay uga baxday IGAD?

Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online) – Bishii December sanadkii 2006, ciidamada Itoobiya ayaa u dhaqaaqay Muqdisho si ay u taageeraan Dawladda Federaalka Soomaaliya. Magaalada Muqdisho xiligaas waxaa ka talinayay maxaakiimta Islaamiga. Sagaal bilood kaddib, Eritrea waxay ku dhawaaqday in ay ka baxday urur goboleedka Bariga Afrika ee IGAD.

Qoraal ay Eritrea soo saartay xiligaas ayey ku eedeysay IGAD in ay si aamusan u taageereen wax ay ugu yeertay “dullaan” ay Itoobiya ku qaaday Soomaaliya. Eritrea oo taas ka jawaabeysa waxay ururka ka maqneyd muddo 16 sano ah.

Ku dhawaad 20 sano kaddib, Eritrea waxay gaartay go’aan la mid ah kii hore. Bayaan ay dawladda Eritrea soo saartay Jimcihii ayay ku sheegtay in ay uga baxday xubinnimada IGAD sababo la xiriira in ururka “ku guuldarreystay in uu guto waajibaadkiisa sharciga ahaa”.

Inkasta oo Eritrea aanay si toos ah ugu xusin Itoobiya bayaankeeda, haddana Dr. Qalaab Tadesse, oo ah cilmi-baare ku takhasusay nabadda iyo amniga isla markaana daraasad ku sameeyay IGAD, ayaa sheegay in xiisadda ka dhex taagan Addis Ababa iyo Asmara ay u badan tahay in ay tahay sababta ugu weyn ee go’aankan.

Xarunta IGAD waxay ku taal Jabuuti, waxaana loo dhisay in wax looga qabto abaaraha soo noqnoqday iyo musiibooyinka dabiiciga ee gobolka. Qaabka hadda IGAD ay u dhisan tahay waxaa la qaatay 1996-dii kaddib markii kulan guud laysugu yimid magaalada Addis Ababa.

Meelaha ay IGAD diiradda saarto waxaa ka mid ah arrimaha nabadda iyo amniga ee dalalka gobolka, iskaashiga dhaqaale, iyo is-dhexgalka wadamada gobolka.

Dalalkii aasaasay IGAD markii hore waxay ahaayeen Itoobiya, Jabuuti, Kenya, Soomaaliya, Suudaan iyo Uganda. Eritrea waxay ku biirtay ururka sannadkii 1993-dii, kaddib markii ay noqotay dal madax-bannaan. Koonfurta Suudaan oo 15 sano ka hor dal noqotay ayaa ku biirtay ururka, waxayna xubnaha ururka sidaas ku noqdeen sideed dal.

Sababta ugu weyn ee Eritrea markii hore uga baxday IGAD waxay la xiriirtay faragelintii ay Itoobiya ku samaysay Soomaaliya.

Maxkamadihii Islaamka ayaa magaalada Muqdisho dullaan kula wareegay. Arrintaas ayaa keentay in dowladdii kumeel gaarka aheyd Soomaaliya aysan imaan karin caasimada iyadoo ku wareeganeysay magaalooyinka Jowhar iyo Baydhabo.

Sida cad ay maxaakiimtu u sheegeen in ay dagaal ku qaadayaan Itoobiya ayaa soo dedejisay in xukuumadii raysalwasaare Meles Zenawi ay ciidamo u dirto Soomaaliya si loo soo celiyo awoodda dowladda.

Faragelintaasi waxay dhalisay diidmo ka timid Soomaali badan, welina natiijadeedu waxay noqotay dagaal iyo dhimasho.

Si kastaba ha ahaatee, shan bilood kaddib markii ciidamada Itoobiya ay galeen Soomaaliya, dawladdii kumeel-gaarka ahayd waxay ku guulaysatay in ay dib ugu soo laabato Muqdisho.

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa ku eedeysay dawladda Eritrea in ay siiso taageero hub iyo talo ah ciidamada maxaakiimta Islaamiga ee la dagaallamayay Itoobiya iyo dowladda Soomaaliya. Waxaa sidoo kale la sheegay in Eritrea ay taageertay Al-Shabaab iyo kooxo kale oo hubeysan oo xiriir la lahaa Al-Qaacida, kaddib burburkii Maxkamadaha Islaamiga ah.

Eritrea way beenisay eedeymahaas, iyadoo sheegtay in aanay wax hub ah u dirin Soomaaliya. Waxay ku tilmaantay eedeymahaasi been cad iyo dacaayad laga sameeyay.

Eritrea ma ahayn oo keliya mid diiday gelitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya, balse waxay sidoo kale ka baxday ururka IGAD, iyadoo ku eedeysay ururka in uu taageeray tallaabada Itoobiya.

Bayaan ay soo saartay Eritrea ayay ku sheegtay in aanay diyaar u ahayn in ay qayb ka noqoto waxa ay ku tilmaantay gardarro iyo dulmi lagu hayo shacabka Soomaaliyeed.

Xaaladda waxay is beddeshay kaddib markii raysalwasaare Abiy Ahmed uu talada la wareegay, taas oo keentay in xiriirka Addis Ababa iyo Asmara uu soo hagaago. Wixii markaa ka dambeeyay , Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa uu ka qaaday Eritrea cunaqabatayntii muddada dheer saarnayd dalka.

Eritrea waxay makale dib ugu soo laabatay ururka IGAD kaddib 16 sano oo ay ka maqneyd, waxayna ka qaybgashay shir caadi ah oo ka dhacay Jabuuti. Si kastaba ha ahaatee, go’aankaasi ma sii waarin, waxayna Eritrea mar kale ay ku dhawaaqday in ay ka baxday ururka.

Eritrea waxay IGAD ku eedeysay in ay muddo dheer u adeegeysay dano gaar ah oo ka dhan ah dalal xubno ah ururka, gaar ahaan Eritrea, isla markaana aysan wax faa’iido ah u lahayn xasilloonida iyo iskaashiga gobolka.

Xiriirka Addis Ababa iyo Asmara ayaa dhaawac waxa uu soo gaaray markii la gaaray heshiiskii Pretoria ee dagaalka gobolka Tigray lagu soo afjarayay. Xaalada waxay ka sii dartay markii raysalwasaare Abiy uu ka hadlay in dalkiisa doonayo badda Cas.

Dr. Qaalab waxa uu rumeysan yahay in go’aanka Eritrea ay ururka kaga baday uu ka turjumayo xiisadan.

Isha: BBC

- Advertisement -

Read more

Local News