25.7 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

Maxay tahay tallaabada deg-degga ah ee ku baaqday DF?

Bookmark
Bookmarked

Share

New York (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqday in tallaabo deg-deg ah loo qaado joojinta gaajada la xiriirta colaadaha, taas oo Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle) ka jeediyay shir furan oo Golaha Ammaanka uu ka yeeshay cunno-yarida la xiriirta colaadaha.

Danjiraha ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay xiriirka ka dhexeeya dagaalka iyo gaajada, isagoo tilmaamay in colaaduhu ay gaajo ka dhaliyaan dalal badan, halka gaajaduna ay sidoo kale dalalka ka dhigto kuwo jilicsan oo u nugul fowdada.

Abuukar Baalle ayaa xusay Qaraarka 2417 ee QM uu ka digayo in gaajada loo adeegsado hub ahaan, taas oo khatar ku ah nabadda, isagoo tilmaamay in warbixinta caalamiga ah ee 2025 oo ku saabsan dhibaatooyinka cunnada ay muujisay in dadka la ildaran gaajada ba’an ay sii kordhayaan, arrintaasina ay u baahan tahay iskaashi caalami ah oo ballaaran.

Sidoo kale wuxuu iftiimiyay dadaallada iyo horumarka ka socda Afrika, wuxuuna tusaale u soo qaatay Bayaankii Kampala ee Midowga Afrika, kaas oo diiradda saarayay dhisidda nidaamka beeraha iyo xasillooni dhaqaale.

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dadaalladan ay ku saleysan yihiin mudnaanta Afrika, taas oo ay ujeeddadoodu tahay in bulshada la taageero, dhaqaalaha maxalliga ah la xoojiyo, lana hubiyo in dalalka ay awood ugu yeeshaan in ay ka hortagaan musiibooyinka mustaqbalka.

Wuxuu sheegay in bulshooyinka ay horumar sameeyaan marka ay awood u yeeshaan in ay maamulaan khayraadkooda, wuxuuna intaas ku daray in haweenku door dhexe ku leeyihiin wax soo-saarka cuntada iyo daryeelka qoyska, ayna tahay in codkooda lagu hago siyaasadaha.

”Waa in Golaha Ammaanku xoojiyo nidaamyada digniinta hore ee Qaraarka 2417, lana xisaabtamo kuwa gaajada u adeegsada hub ahaan,” ayuu yiri Danjire Baalle.

Danjiraha ayaa ku baaqay iskaashi adag oo isku daraya gargaarka bani’aadannimo, horumarinta iyo dhisidda nabadda. Wuxuu dalalka caalamka ku boorriyay in ay bixiyaan maalgelin joogto ah oo wax-ku-ool ah, si loo fuliyo qorshayaasha qaran ee sugnaanta cuntada.

Waxa uu hoosta ka xarriiqay in maalgelinta wax-soosaarka maxalliga ah, suuqyada cadaaladda ku dhisan iyo kaabayaasha miyiga ay keeni doonaan faa’iido waarta.

Sidoo kale wuxuy sheegay in aan waligood cuntada loo adeegsan karin sidii dhaawac loogu geysan lahaa dadka ama loogu kala fogeyn lahaa bulshooyinka, wuxuuna xusay in la dagaallanka gaajada ay tahay furaha nabadda iyo xasilloonida.

Danjiruhu ayaa ugu dambeyntiina wuxuu sheegay in Soomaaliya ay sii wadi doonto in ay la shaqeyso saaxiibbadeeda caalamka si loo dhiso nidaamyo siiya dadka cunto, fursad iyo rajo.

- Advertisement -

Read more

Local News