TAIWAN oo ka hadashay arrinta kasoo cusboonaatay aqoonsiga Somaliland

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) โ€“ Taiwan ayaa si weyn u taageertay dadaallada aqoonsi raadinta Somaliland ee ka socda Mareykanka, iyadoo si gaar ah u sheegtay inay ku faraxsan tahay baaqii uu jeediyay Senator Ted Cruz, guddoomiyaha guddiga arrimaha Afrika ee Senate-ka Maraykanka.

Xafiiska Taiwan ee Somaliland ayaa sheegtay in aqoonsiga Somaliland ay dan qaran ugu jirto Mareykanka, iyadoo xafiisku xusay in Taiwan ay hore ula yeelatay wada-hadallo iyo is-faham la xiriira aqoonsiga Somaliland dalal iyo saaxiibo ay isku fikrad yihiin, iyadoo rajaynaysa in taageeradaasi sii ballaadhato.

Xafiiska Somaliland ee Taiwan ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland aanay u liici doonin cadaadiska Shiinaha, balse ay sii wadi doonto wada-shaqeynta ay la leedahay cid kasta oo ay isku aragti yihiin, sida Taiwan iyo Mareykanka.

Taiwan ayaa caddeysay in aysan qayb ka ahayn Shiinaha. Sida qoraalka lagu sheegay, xiriirka Taiwan iyo Somaliland wuxuu ku dhisan yahay qiyamka dimuqraadiyadda ee ay wadaagaan, waxaana ay Taiwan rajaynaysaa in taageero dheeraad ah uga timaaddo caalamka.

Taiwan ayaa intaas ku dartay in aanay waligeed ka mid noqon Shiinaha, isla markaana sheegashada Beijing ay tahay mid aan sal lahayn. โ€œShiinaha iyo Taiwan midna midka kale ma xukumo, Shiinuhuna waligiis hal ilbidhiqsi ma xukumin Taiwan,โ€ ayaa lagu yiri bayaanka.

Dhankiisa, Shiinaha ayaa si deg-deg ah uga jawaabay hadalka Taiwan, isagoo ku adkaystay in Beijing ay tahay dowlada kaliya ee sharci ah ee masโ€™uul ka ah Taiwan, isla markaana hadallada Taiwan ay yihiin marin habaabin.

Dowladda Soomaaliya iyo Shiinaha oo dhinac wada taagan, ayaa si weyn uga soo horjeeda xiriirka Somaliland iyo Taiwan, halka labada dhinac ee Taiwan iyo Somaliland ay dadaal ugu jiraan dhismaha xiriir caalami ah.

- Advertisement -

Read more

Local News