26.6 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Maxay u xayiran yihiin xubnaha Aqalka Sare ka dhiman ee matalaya Somaliland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dib u dhac uu ku yimid in la dhameystiro xildhibaanada aqalka sare u matalaya deegaanada Somaliland.

Qaar kamid ah gudiga doorashada gobolada waqooyi ayaa sheegaya in doorashada ay u xayiran tahay hal kursi oo ah kursiga la siinayo gobolka Sanaag.

Jaamac Maxamed Qaalib, gudoomiyaha gudiga doorashada gobolada waqooyi ayaa sheegaya in doorashada dhan ay u xayiran tahay kursigaasi.

Jaamac Maxamed Qaalib, “Kulamo ayaa waxaa u socda odayaashii Waqooyi kursi ka mid ah kuraasta Sanaag ayaa la isku haystaa, haddii ay odayaashu ku heshiin ayaa doorashada la galayaa”.

Waxaa hadda la filayaa in doorashada maalinta beri ah ay dhacdaa, walow aan wali la xaqiijin.

Muruno badan ayaa hareeyay xubnaha Somaliland u matalaya baarlamaanka 10 ee dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News